Ethiopia oo Danjire cusub u soo magacowday Somalia

Madaxweynaha Ethiopia, Mulatu Teshome ayaa la sheegay inuu Danjire cusub u soo magacabay Somalia, kaasi  oo beddeli doona Dnjirihii horey Ethiopia u joogay magaalladda Muqdisho.

Wakalladda Wararka u faafisa Ethiopie ee ENA ayaa sheegtay in la bedelay Danjirihii hore, Wondumu Asamne, laguna beddelay Jamaaludiin Mustafa Cumar oo horey u ahaa Ku-xigeenka Safiirka Ethiopia u joogay Somalia.

Isbedelkaasi aya lagu micneeyey, iyadoo uu Danjirihii hore dhamaady Xilligii uu Safiirka ka ahaa Somalia.

Dhinaca kale, Danjiraha cusub ee Ethiopia u joogi doona Somlia, Ambassdor Jamaaludiin Mustafa Cumar ayaa ah Diplomaasi ka soo jeeda Soomaalida degta Kilinka 5-aad ee dalka Ethiopia, waana Diplomaasi aqoon fiican u leh Dabeecadda Siyaasadeed ee Dowladaha Soomaalida.

Si kastaba ha ahaatee, Isbedelkaasi ayaa u muuqda mid lagu doonayo in lagu hagaajiyo Xiriirka Diplomaasiyadeed ee Labada Dal, inkastoo uu Madaxweyne Farmaajo saluugsan yahay Siyaasadda Dowladda Federalka Ethiopia, oo Kumanaan Askar ka joogaan Somalia.

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media