Xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka fedraalka Soomaaliya ee laga soo doorto Puntland ayaa waxa kulan xasaasi ah ay ka yeesheen khilaaf muddooyinkii dambe taagnaa oo u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo maamul gobakleedka Puntland.
Xildhibaanada ayaa kulankooda ku lafa guray sidii xal buuxa looga gaari lahaa khilaaf dhinaca waxbarashada ah oo u dhaxeeyay wasaaradaha waxbartashada ee dowladda fedraalka Soomaaliya iyo wasaaradda waxbarashada ee maamulka Puntland taas oo saamaysay Ardayda.
Khilaafka ayaa salka ku ahaya midaynta manhajka waxbarashada ee dalka iyo sidoo kale in ardayda maamulka Puntland ee sadankii hore ka baxday Dugsiyada sare lasiiyo shahaadada wasaaradda waxbarashada ee dowladda Soomaaliya taas oo keentay in la isku fahmi waayo maadaama Puntland ardaydeedu ay galeen Imtixaan gooni ah.
Dhinaca kalana xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka fedraalka Soomaaliya ee laga soo doorto maamulka Puntland ayaa isla gorfeeyay sidii soo dhaweyn loogu samayn lahaa wefdi Ismo ah oo Muqdisho u imaanaya arrinta dhinaca waxbarashada ee maamulka Puntland iyo dowladda u dhaxeysa.