Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Inj. Cabdullaahi Cali Xasan oo la kulmay Madaxda Baanka Aduunka u qaabilsan Soomaaliya, ayaa ay ka wada-hadleen siddii kor looggu qaadi lahaa Ganacsiga Soomaaliya sidoo kale na looggu abuuri lahaa mashaariic lagu horumarinaayo Ganacsatada dalka.
Wasiirka iyo Madaxda Baanka Aduunku, waxay hoosta ka xariiqeen in loo baahan yahay horumarinta Awooda, jiritaanka iyo hal-abuurka Ganacsiga Soomaaliya iyada oo loo maraayo hababka casriga ah ee loo horumariyo ganacsiyada Aduunka (Digital Uplift Project). (SCALED-UP).
Inj. Cabdullaahi Cali Xasan oo uu wehelinaayey  Axmed Cilmi Muxumed oo ah la taliye sare oo ka tirsan Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha JFS, ayaa Madaxda Baanka Aduunka uga mahad-celiyey kulankan qiimaha badan, waxaana ay isla af-garteen in si wada-jir ah loogga shaqeeyo horumarinta Ganacsiga Soomaaliya.