Xildhibaanada wada Mooshinka ka dhanka ah MD Farmaajo oo Warqad Cabasha ah u diray Itoobiya

Xildhibanadaan oo la magac baxay Badbaado Qaran (NSC), waxay  Qoraal u direen Dowladda Ethiopia  si ay u caddeeyso Mowqifkeeda ku aadan doorkii ay Ciiddanka ka jooga magaalladda Baydhabo ka qaateen Hawlgalkii lagu soo qabtay Mukhtaar Roobow Cali “Abu Mansuur”,  iyo in loo soo gudbiyo magaalladda Muqdisho.

Qoraalka waxaa si toos ah loogu diray Danjiraha Ethiopia u jooga Somalia, Jamaaludiin Mustafa Cumar, waxaana Ogeysiis ahaan Qoraalka loogu kala diray: Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ethiopia, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee DFS, Wakiiladda QM iyo AU-da u joogta Somalia,  Danjirayaasha  Maraykanka iyo Britain ku leeyihiin Muqdisho.

Waxaa Xildhibanadu ay  Warqadooda ku muujiyeen in uu Ergayga Ururka Midowga Afrika u jooga Somalia, Ambassador Francisco Madeira soo saaray War-saxaafadeed uu  ku sheegay inaysan Ciiddanka AMIISOM wax lug ah ku leeyihiin Xarigii Mukhtaar Roobow iyo dhacdooyinkii ay dadka rayidka ah ku geeriyoodeen ee ka dhaca magaalladda Baydhabo.

Dhinaca kale, Xildhibaanadda la magac baxay Badbaado Qaran ee ah kuwii Mooshinka ka gudbiyay Madaxweyne Farmaajo  waxa ay Dowladda Ethiopia ka codsadeen inay caddeeyaan doorka ay Ciiddankooda ka jooga Baydhabo ku lahaayeen soo Qabashadii Mukhtaar Roobow iyo in loo soo gudbiyo magaalladda Muqdisho iyo shaqaaqadii ka dhacday Baydhabo ee ay dadka rayidka ku geeriyoodeen.

Qoraalka waxaa lagu sheegay inay Goobjoogayaal xaqiijiyeen Ciiddanka Ethiopia inay ku lug lahaayeen Hawlgalkii lagu xiray Mukhtaar Roobow.

Qoraalka ay Xildhibaanadaasi soo saareen  waxaa ku saxiixnaa Afhayeenka Kooxda Xildhibanaadda ee la magac baxay Badbaado Qaran (NSC), Dr. C/fataax Ismaaciil Daahir.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media