• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Tuesday, June 24, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Xildhibaanada ,Siyaasiyiinta iyo Salaadiinta Beelweynta Xawaadle oo eedeeyay Maamulada KMG ah ee Juba iyo koonfur galbeed

Dalsan Editor by Dalsan Editor
April 9, 2015
in Warar
Reading Time: 7 mins read
A A
21
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Kulan maanta ka dhacay Hotel Giyaajo ee Magaalada Muqdisho , ayna  iskugu yimaadeen Xildhibaanada , Siyaasiyiinta ,Salaadiinta , nabadoonada iyo aqoonyahanada Beelweynta Xawaadle ee degta gobolada Jubbooyinka iyo Koonfur galbeed ee Soomaaliya ayaa waxa ay si xoogan u cambaareeyeen nidaamka awood qeybsiga maamul ee Maamulada KMG ah ee Juba iyo Koonfur galbeed ee ay kala hogaamiyaan Axmed Maxamed Islaam “ Madoobe” iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan .

Xildhibaan Cali Nuur Boodaaye oo ka mid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya , ayaa ku eedeeyay Wakiilka Urur goboleedka IGAD ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey inuu ku caawinayo Maamulka KMG ah ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe sad-bursi , dulmi , cadaalad darro iyo dib u buuridda colaad sokeeye oo soo kala dhexgasha dadka ku nool gobolada Jubbooyinka .

Xildhibaan Cali Nuur Boodaaye ,ayaa sheegay in qaabka xulidda xildhibaanada Baarlamaanka Juba uu u dhacay qaab lagu duud-siiyay xaqqa dad degmoooyin iyo tuulooyin kala duwa ka kala degan gobolada Jubada hoose , Jubada dhexe iyo Gedo oo Beelweynta Xawaadle ay ka mid tahay.

Xildhibaan Cali Nuur Boodaaye ayaa ka digay in la saxiixo Xulid Xubno baarlamaan oo Gobolada Jubbooyinka ay yeeshaan , iyadoo aan lagu saleyn cadaalad iyo hab qeybsi dadka deegaanka ay ku wada qancaan .

Madasha ayaa waxa kale oo ka hadlay Siyaasiga Cabdullaahi Gacal Cabdi oo ka codsaday Madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya inay gobolada Jubbooyinka iyo Koonfur galbeed u horseedaan nidaam cadaalad oo raali laga wada yahay , isagoo sheegay in cadaalad darrada ay abuureyso ammaan darro iyo in cadowga ummadda uu xoogeysto .

Kulankani oo Salaadiin iyo nabadoono kala duwan ay ka hadleen ayaa waxaa ka mid ahaa Suldaan Cali Xassan Kuulow oo sheegay in hab qeybsiga xubnaha Baarlamaanka Jubooyinka iyo Golaha Wasiirada Maamulka KMG ah ee Koonfur galbeed uu u dhacay qaab aan cadaalad aheyn oo lagu dulmiyay Beelweynta Xawaadle , isagoo sheegay in arrimahaasi ay dib u holcinayaan colaad iyo dagaal sokeeye oo soo kala dhexgala dad is jecel .

Suldaan Cali Xasan Kuulow ayaa xusay in cabasho ay u gudbinayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Urur Goboleedka IGAD  iyo Wakiilka Xoghayaha gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya oo ka dhan ah Maxamed Cabdi Afey , oo huwan shaar qabiil , kuna qeylo dhaaminaya hurinta dab iyo colaad qabiil ku saleysan oo galaafata nolosha dad is jecel oo wada degan ,  isagoo sheegay in ay haboon tahay in dalka laga saaro , xilka uu ku magacaaban-yahayna laga  laga qaado .

Suldaan Cali Xasan Kuulow , ayaa ku booriyay Axmed Madoobe oo nidaamkiisa hadda ku eg Magaalada Kismaayo , ay haboon tahay inuu cadaalad ku hogaamiyo dadka ,si maamulkiisa ugu fido dhammaan degmooyinka iyo Tuulooyinka gobolada Jubada hoose , Jubada dhexe iyo Gedo  .

Beelweynta Xawaadle , waxa ay si balaaran u degan tahay Gobolada Jubbooyinka iyo Koonfur galbeed , halkaan hoose ka akhriso degmooyinka iyo deegaanada :

 

Gobolka Jubada dhexe

1-Degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe , oo ah Magaalada ugu dadka badan gobolkaasi, beelweynta Xawaadle waxa ay kaga jirtaa kaalinta Labaad beelaha halkaasi ku nool.

Jilib waxa ay ku taalaa Wadada dheer ee konfureed ee isku xirta Caasimadda Muqdisho iyo Magaalada Kismaayo.

2-     Degmada Bu’aale ee xarunta gobolka Jubada dhexe , ayaa dadka degan waxa ay beesha Xawaadle kaga jirtaa kaalinta Seddexaad .

3-     Degmada Saakow ee gobolka Jubada dhexe , waa Magaalo dhul beereed ah , dadka ugu badan ee degan waxa ay ka soo jeedaan beesha Xawaadle.

4-     Deegaanka Hoombooy oo u dhow degmada Jilib , Beesha Xawaadle waxa ay kaga jirtaa kaalinta koowaad dadka deegaankaasi.

Gobolka Jubada hoose

1-     Deegaanka Buulo Xaaji oo u dhow Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubada hoose ayaa beesha Xawaadle waxa ay kaga jirtaa kaalinta Labaad dadka deegaanka .

2-     Dadka ku heybtirsada beesha  Xawaadle , waxa ay si aad ah ugu badan yihiin tuulooyinkan hoos taga Magaalada Kismaayo ,kuwaasoo kala ah :

Aboorow,Habaaqa,Beer-xaano,ool-oole,Koorweyne,Canjeel iyo Janaay Cabdalla.

Gobolka Gedo

1-   Degmada Doolow ee gobolka Gedo , oo ah Magaalo dad badan ay ku nool yihiin ayaa dadka ku nool waxa ay badankooda ku  heyb tirsadaan beesha  Xawaadle oo ah kaalinta koowaad ee aglabiyadda dadka degmadaasi .

2-   Dadka ka soo jeeda beesha Xawaadle , waxa ay qeyb ka degaan degmooyinka iyo tuulooyinka gobolka Gedo ee kala ah :-  Buulo –Xaawo ,Baardheere,Farjanaay, Busleey iyo Garas Shabo.

Gobolka Baay

1-        Degmada Buurhakaba ee gobolka Baay , dadka ku abtirsada Beesha Xawaadle waxaa lagu tiriyaa beesha afaraad ee halkaasi degan.

2-        Degmada Diinsoor ee gobolka Baay , dadka ka soo jeeda Beesha Xawaadle ee halkaasi degan waxaa lagu tiriyaa beesha labaad ee deegaanka.

3-        Dadka  u dhashay beesha Xawaadle , waxa ay degaan Tuulada Goon-bir ee u dhow Degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

4-        Dadka ku heybtirsada beesha Xawaadle , waxa ay qeyb lixaad leh ka degaan Tuulooyin badan oo hoos taga degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, kuwaasoo kala ah :-Hoqobsooy,Dhabii,Liimaale,Cabdi ibraahim iyo Lug habar .

5-        Dadka  ku abtirsada beesha Xawaadle , waxa ay kaalinta koowaad ee aqlabiyadda ay kaga jiraan Deegaanka Xawaal barbaar ee gobolka Baay .

Gobolka Shabeelaha hoose

1-     Degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha hoose waa Magaalo uu maro webiga Shabeelle , waxaana lagu tiriyaa degmooyinka ugu wax soo saarka badan dalka Soomaaliya oo ay ku nool yihiin xoolaha la dhaqdo noocyada ugu badan ee Lo’da iyo Ariga , dadka ku nool oo xoogsato iyo beeraley iskugu jira ayaa waxaa Beesha Xawaadle ay kaga jirtaa kaalinta Labaad dadka halkaasi ku nool.

2-     Dadka ku heybtirsada Beesha Xawaadle waxa ay si lixaad leh u degan yihiin ,uguna nool yihiin Tuulooyin badan oo hoos –taga Degmada Qoryooley iyo tuulooyin kale oo isla gobolka Shabeelaha hoose ah ,kuwaasoo kala ah :

Jeerow,Maduulow,Tawakal,Maayo-murug,Mushaani ,Waagaale,Jiida Janaale iyo Ugunji.

 

WABILLAAHI TOWFIIQ

Previous Post

Dhageyso: Bar Waxbarashada ee Radio Dalsan 09-04-2015

Next Post

Dhageyso: Bar Wareega Wararka ee Radio Dalsan 09-04-2015

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Madaxweyneyaashii Hore ee Soomaaliya oo Cambaareeyay Weerarkii Iran ku Qaadday Qatar
Warar

Madaxweyneyaashii Hore ee Soomaaliya oo Cambaareeyay Weerarkii Iran ku Qaadday Qatar

June 24, 2025
Soomaaliya oo si Kulul u Cambaareysay Weerarkii Iran ku Qaaday Saldhigga Mareykanka ee Qatar
Warar

Soomaaliya oo si Kulul u Cambaareysay Weerarkii Iran ku Qaaday Saldhigga Mareykanka ee Qatar

June 24, 2025
Iran oo Gantaallo Ku Weerartay Saldhigga Ciidamada Mareykanka ee Qatar
Caalamka

Iran oo Gantaallo Ku Weerartay Saldhigga Ciidamada Mareykanka ee Qatar

June 24, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Ka Qeybgalay Daahfurka Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Ka Qeybgalay Daahfurka Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka

June 23, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Daahfuray Qorshaha Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Daahfuray Qorshaha Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka

June 23, 2025
“Xamsa Barre: Looma Laabanayo Doorasho Dadban”
Warar

“Xamsa Barre: Looma Laabanayo Doorasho Dadban”

June 23, 2025
Next Post

Dhageyso: Bar Wareega Wararka ee Radio Dalsan 09-04-2015

Somalia Denounces Iran’s Missile Strike on U.S. Base in Qatar, Urges Restraint Amid Rising Gulf Tensions

Somalia Denounces Iran’s Missile Strike on U.S. Base in Qatar, Urges Restraint Amid Rising Gulf Tensions

by Gesey Liban
June 24, 2025
0

Mogadishu, Somalia – In a strong and swift response to rising tensions in the Gulf, the Federal Government of Somalia...

Former Somali Presidents Condemn Iranian Missile Strike on Qatar as “Unacceptable Aggression”

Former Somali Presidents Condemn Iranian Missile Strike on Qatar as “Unacceptable Aggression”

by Gesey Liban
June 24, 2025
0

Two former Somali presidents, Mohamed Abdullahi Farmaajo and Sheikh Sharif Sheikh Ahmed, have strongly condemned Iran’s missile attack on the...

Madaxweyneyaashii Hore ee Soomaaliya oo Cambaareeyay Weerarkii Iran ku Qaadday Qatar

Madaxweyneyaashii Hore ee Soomaaliya oo Cambaareeyay Weerarkii Iran ku Qaadday Qatar

by Ilhaan
June 24, 2025
0

Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii gantaallaha ahaa...

Soomaaliya oo si Kulul u Cambaareysay Weerarkii Iran ku Qaaday Saldhigga Mareykanka ee Qatar

Soomaaliya oo si Kulul u Cambaareysay Weerarkii Iran ku Qaaday Saldhigga Mareykanka ee Qatar

by Ilhaan
June 24, 2025
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerarkii gantaallaha ahaa ee ay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ku qaaday...

Somalia Denounces Iran’s Missile Strike on U.S. Base in Qatar, Urges Restraint Amid Rising Gulf Tensions
English News

Somalia Denounces Iran’s Missile Strike on U.S. Base in Qatar, Urges Restraint Amid Rising Gulf Tensions

June 24, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Former Somali Presidents Condemn Iranian Missile Strike on Qatar as “Unacceptable Aggression”
English News

Former Somali Presidents Condemn Iranian Missile Strike on Qatar as “Unacceptable Aggression”

June 24, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyneyaashii Hore ee Soomaaliya oo Cambaareeyay Weerarkii Iran ku Qaadday Qatar
Warar

Madaxweyneyaashii Hore ee Soomaaliya oo Cambaareeyay Weerarkii Iran ku Qaadday Qatar

June 24, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Soomaaliya oo si Kulul u Cambaareysay Weerarkii Iran ku Qaaday Saldhigga Mareykanka ee Qatar
Warar

Soomaaliya oo si Kulul u Cambaareysay Weerarkii Iran ku Qaaday Saldhigga Mareykanka ee Qatar

June 24, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Iran oo Gantaallo Ku Weerartay Saldhigga Ciidamada Mareykanka ee Qatar
Caalamka

Iran oo Gantaallo Ku Weerartay Saldhigga Ciidamada Mareykanka ee Qatar

June 24, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Breaking: Iran Launches Retaliatory Missile Strikes on U.S. Base in Qatar, Raising Gulf Tensions
English News

Breaking: Iran Launches Retaliatory Missile Strikes on U.S. Base in Qatar, Raising Gulf Tensions

June 24, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Somalia Denounces Iran’s Missile Strike on U.S. Base in Qatar, Urges Restraint Amid Rising Gulf Tensions
  • Former Somali Presidents Condemn Iranian Missile Strike on Qatar as “Unacceptable Aggression”
  • Madaxweyneyaashii Hore ee Soomaaliya oo Cambaareeyay Weerarkii Iran ku Qaadday Qatar
  • Soomaaliya oo si Kulul u Cambaareysay Weerarkii Iran ku Qaaday Saldhigga Mareykanka ee Qatar

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00