Xildhibaanada Golaha Shacabka oo u yeeray Wasiirka Warfaafinta

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya  ayaa u yeeray Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumaadda Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Qoraal kasoo baxay Guddoonka Baarlamaanka ayaa loo diray Wasiir Maareye, kaasi oo laga dalbaday inuu Xildhibaanada horyimaado, si loo weeydiiyo su’aallo ay qabaan 11 Xildhibaan iyo kuwa kale, isla markaana la xiriira shaqada Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiirka ayaa  la faray in Golaha Shacabka uu horyimaado Maalinta Axada ah ee soo socota taariikhduna ay ku beegan tahay 15-ka December 2019.

Si kastaba Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa warbaahinta dowladda u jeediyay eedeeymo kala duwan, kuwaasi oo la xiriira dhanka shaqada.

Hoos ka Akhriso Qoraalka loogu yeeray Wasiir Maareeye.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media