Maanta oo Arbaco ah ayaa waxaa lagu wadaa in Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay kulankoodii 3-aad ee Kalfadhiga 6-aad ee Golaha ku yeeshaan Xaruntooda Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.
Xildhibaanada ayaa xalay waxaa loo diray fariimo ku aadan in uu jiro kulanka Golaha, isla markaana looga baahan yahay in ay soo qeyb galaan si loo dardar-geliyo howlaha horyaalla.
Ajendaha kulanka ayaa waxaa uu yahay Akhrinta 1aad ee Axdiga ilalinta Hanti- Dhaqameedka Xiliyadda Colaada iyo Akhrinta 1aad ee ka mid Noqoshada Hay’ada Damaanad qaadka Maalgashiga Darafyada badan iyo Sidoo kale Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Istaatistikada Qaranka.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Isniintii todobaadkaan Akhrinta 2-aad marsiiyay Hindise sharciyeedka maamulka dakhliga Dalka,waxaana Golaha sharcigan iyo marxalidihii kala duwanaa ee uu soo maray u akhriyay Guddoomiyaha gudiga Maaliyada, qorsheynta iyo la xisaabtanka hay’adaha dowladda Soomaaliya.