Xildhibaanada Cusub ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta oo sabti ah lagu dhaariyo Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulkaas, waxaana socdo diyaar garoow ku aadan dhaarinta.
Munaasabadda lagu dhaarinayo Xildhibaanada Cusub ee uu yeeshay Maamulka Hirshabeelle aaya waxaa ka qeyb geli doona Mas’uuliyiin kala duwan oo ay kamid yihiin Guddiga soo xulsita Baarlamaanka, siyaasiyiin iyo xubno kale.
Xildhibaanada oo kooban 90 Mudane ayaa xalay waxaa loo diray farriimo ku aadan in Maanta oo sabti ah loo dhaarinayo xilka Cusub ee loo idmaday, isla markaana dhammaantood ay kasoo qeyb galaan munaasabadda.
Sidoo kale Magaalada Jowhar ayaa waxaa ka socda dhammaystirka xubnaha ka dhiman Baarlamaanka, oo ay ka harsanyihiin in la soo magacaabo kuraas ka yar 10-xubnood, iyagoona ku biiraya xubnaha horey loogu dhawaaqay.
Ammaanka guud ee Magaalada Hirshabeelle ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle ayaa siweyn loo adkeeyay, waxaana amniga sugaya Ciidanka Booliska dowladda ee sida gaarka u tababaran ee loo yaqaano Haramcadka.