Garsoore ku sugan dalka Kenya ayaa xukun 18 sano iyo 33 sano oo xarig ah ku riday laba qof oo ku eedeysnaa iney gacan siiyeen kooxa islaamiyiin hubeysan oo 2013-ki weerar ku qaaday dhismaha ganacsiga ee Wastgate ee laga dukaameysto oo ku yaalla magaalada Nairbi.
Weerarka ay koox hubeysneyd oo ka tirsanaa Al-Shabaab ay ku qaadeen suuqa Westgate ee ku yaalla bartmaha magaalada Nairobi waxaa ku dhintay 67 qof.
Dowladda Kenya xilliga weerarkaasi la soo afjarayna waxay sheegtay 4 ka mid ah dableydii weerarka soo qaadday in halkaasi lagu dilay.
Dableyda weerarka soo qaadday ayaa dhismaha ganacsiga ee Wastgate haysatay afar maalmood, weerarkaasi oo lagu sheegay inuu ahaa kii ugu dhimashada badnaa ee Kenya ka dhaca.
Xukunkan ay maxkamaddu ridday ayaa ahaa kii ugu horreeyey oo ay maxkamad ka soo saarto weerarka Westgate.
Eedeysanayaasha oo seddex toddobaad ka hor dambiga lagu helay, maxkamadda dacwadda qaadeysay waxay sii deysay Liibaan C/llaahi Cumar oo wax dambi ah lagu wayey.