Xildhibaanada Cusub ee Galmudug oo Maanta kulan yeelanaya

Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Maanta oo Axad ah waxaa lagu wadaa in kulankii ugu horeeyay ay ku yeeshaan Magaalada Dhuusamareeb, kadib markii shalay la dhaariyey.

Kulanka Xildhibaanada Cusub ee Galmudug ayaa intii uu socdo waxaa ay ku dhex dooran doonaan Guddoon KMG ah, isla markaana ka shaqeyn doona Doorashada Guddoonka Baarlamaanka labaad ee Galmudug.

Xildhibaanada ayaa markii ay howlaha Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug  u dhamaato, kadib maalmaha soo socda waxaa ay guda-geli doonaan Doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo ku-xigeenkiisa.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ku sugan Musharaxiin badan, kuwaasi oo u tartamaya xilalka kala duwan ee Galmudug, waxaana qeyb ka ah xubnaha halkaas ku sugan Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka.

Ammaanka guud ee Dhuusamareeb ayaa siweyn loo adkeeyay, waxaana sugida amniga iska kaashanaya Ciidanka dowladda qeybahooda kala duwan ee halkaas jooga iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, iyadoona ay xusid mudan tahaya in Ciidamo gaar ah la geeyay baraha Koontaroolada ee laga soo galo Magaalada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media