Boqolaal dad ah oo ka Careysan Warkii kasoo yeeray Iiraan oo Banaanbax dhigay

Boqollaal dibadbaxayaal ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka caasimadda Iran, ee Tehran, iyagoo muujinaya caro ay u qabaan dowladda, uguna yeeraya beenaalayaal inkiray inay soo rideen diyaarad rakaab ay saarnaayeen oo laga leeyahay dalka Ukraine.

Dibadbaxyada ayaa ka dhacay bannaanka ugu yaraan labo jaamacadood, iyadoo la sheegay in booliiskuna uu adeegsaday sunta dadka ka ilmeysiisa.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bartiisa Twitter-ka taageero ugu muujiyay dibadbaxayaasha.

Iran ayaa shalay qiratay inay “si kama` ah” usoo ridday diyaaradda, saddex maalmood kaddib burburkii diyaaradda oo ay ku dhinteen dhammaan 176 qof oo saarnaa.

Duullimaadka Ukraine International Airlines ee PS752, ayaa Arbacadii lagu soo riday meel u dhow garoonka Imam Khomeini ee magaalada Tehran, wax yar kaddib markii ay halkaasi ka duushay, iyo saacado yar un kaddib markii ay Iiraan gantaallo ku tuurtay labo saldhig oo ciidamada Mareykanku ay ku leeyihiin Ciraaq.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media