Puntland oo shaacisay xiliga la fulinayo Dilka ragii kufsaday Caasho Ilyaas

Xeer-ilaaliyaha Guud ee dowlad Goboleedka Puntland Maxamuud Xassan Aw-Cismaan ayaa Maanta shaaca ka qaaday waqtiga rasmiga ah ee xukunkii Dilka ahaa ee lagu fulin doono saddexdii Nin ee kufsaday Allaha u naxariistee Marxuumad Caasho Ilyaas Aadan.

Kiiska Caasho Ilyaas ayaa soo maray Maxkamaddaha kala duwan ee Puntland, kuwaasi oo dhammaantood xukun dil toogasho ah ku diray Saddex eedeeysane oo lagu kala magacaabo Cabdifitaax C/raxmaan Warsame, Cabdishakuur Maxamed Dige iyo Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame.

Xeer-ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamuud Xassan Aw-Cismaan ayaa sheegay in xukunka dilka la fulin doono 11/02/2020 marka ay saacaddu tahay 8:00 subaxnimo, isla markaana uu ka dhici doono  fagaaro ku yaalla Magaalada Boosaaso.

Si kastaba Marxuumad Caasho Ilyaas Aadan oo aheyd gabar yar ayaa fal isugu jiray Kufsi iyo dil Bishii February sanadkii tegay ee 2019 waxaa loogu geystay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug

Comments
Loading...