Xildhibaan ku geeriyooday israsaaseyn ka dhacday Magalada Baydhabo

Waxaa isasoo taraya banaanbaxyada rabshadaha wata ee ka dhacaya Magalada Baydhabo,iyada oo ay ka dhasheen khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wararka aan haatan ka heleyno Magalada Baydhabo ayaa waxa ay sheegayaan in israsaaseyn saakay ka dhacday Magalada Baydhabo ay sababtay geerida Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Wariyeyaal ku sugan Magalada Baydhabo ayaa waxa ay sheegeen in israsaaseynta uu saakay ku dgeeriyooday Xildhibaan Cabdi shakuur Yacquub Ibraahim oo ahaa Gudoomiyaha Guddiga Amniga Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Xildhibaanka ayaa marka hore waxaa soo gaaray sida la sheegay dhaawac,hayeeshee uu Isbitaalka ku geeriyooday.

Xaalka Magalada Baydhabo ayaa Maanta ah mid kacsan,waxaana jirin cid ilaa iyo hadda isku-dayeysa inay xal ka gaarto xaalada cakiran iyo rabshadaha ka socda Magalada Baydhabo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor