Xildhibaan ka tirsanaa Hirshabeelle oo geeriyooday & MW Guudlaawe oo ka hadlay

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo lagu magacaabi jiray Xasan Faarax Salaad, kaasi oo la sheegay in maalmihii lasoo dhaafay uu xanuunsayey.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid AUN Xildhibaan Xasan Faarax Salaad oo ka tirsanaa Mudanayaasha Baarlamaanka Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuum Xasan Faarax Salaad uu door muuqda kasoo qaatay aas-aaska iyo dowlad dhiska Hirshabeelle isagoo muddo u adeegayay shacabka iyo dowladda.

Madaxweynaha ayaa si gaar ay ugu taciyeeyay Golaha Baarlamaanka Hirshabeelle ee uu ka tirsanaa, qoyskii, qaraabadii iyo dhamaan bulshada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuumka, waxaana uu alle uga baryay in Jannatul Fardawsa uu ka waraabiyo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor