Alle ha u Naxariistee Waxaa dalka Turkiga ku geeriyooday Xildhibaan Daa’uud Nuur Muuse oo ka tirsanaa Xildhibaanada Mamul Goboleedka Puntland, waxaana la sheegay in maal mahaan uu marxuumku xanuunsanaa.
Wararka waxaa ay intaas ku darayaan in Xildhibaanku dalka Turkiga ugu baxay xaalad caafimaad, iyadoo dhawaanahaan xaaladdiisa caafimaad lagula tacaalaayay Cusbitaal ku yaalla dalkaas.
Qaar ka mid ah ehelada Marxuumka ayaa xaqiijiyay geeridiisa, qaybaha kala duwan ee Bulshada Maamul Goboledka Puntland ayaa ka tiiraanyooday geerida ku timid Xildhibaan Daa’uud Nuur Muuse.