Iyadoo Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe uu ku sugan yahay Puntland ayaa waxaa wali socda kulamo gaar gaar ah oo uu la qaadanayo mas’uuliyiin ka titsan Maamul Goboleedka Puntland.
Kulan xasaasi ah oo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Madoobe u dhexeeya ayaa ka dhacay Mgaalada Garoowe ee xarunta u ah Maamulka Puntland, waxaana qado sharaf iyo casuumaad loo sameeyay Madaxweynaha Jubbaland iyo Wafdigiisa, iyadoo inta uu kulanku socday laga wada hadlay arrimo dhowr ah.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullahi Dani iyo Axmed Madoobe wali kama hadlin waxyaabaha ay ka wada hadleen inta kulanku socday, waxaana wararku sheegayaan in marka laga soot ago casuumaadda ay labada mas’uul ka wada hadleen arrimo la xariira siyaasadda dalka.
Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa waxaa ay horay u qaaddaceen qodabadii kasoo baxay shirkii dhawaan lagu soo gaba-gabeeyay Magalaada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, waxaana xusid mudan in shirkaas lagu go’aamiyay nooca doorasho ee dalka ka dhoci doonta.