Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa Maalintii labaad waxa ay kulan ku leeyihiin Magalada Muqdisho,kaa soo ay uga hadlayaan xaalada amni ee dalka.
Tiro xildhibaano ah ayaa hadalo u badan walaac laga qabo xaga amniga halkaasi ka jeediyey,waxaan ka mid ah Xildhibaan Wasiiru dowlihii hore ee Maaliyadda Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur.
Xildhibaanka ayaa sheegay in amnidarada dalka ka jirta ay sabab u tahay in Al-Shabaab hub ka helaan dowladda.
“Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda ayaa Saanad Millateri u gudbiya Al-Shabaab,amnigana mahagaagaayo,dowladdan markii ay timid waxaa naga geeriyooday in ka badan 400,000 ayuu yiri Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur.
Sidoo kale kulanka oo weli socda ayaa waxaa jira xildhibaano kale oo walaac xooggan ka muujiyey xaalada amni ee dalka,iyaga oo qaarkood dalbaday in Ra’iisul Wasaaraha iyo Taliyeyaasha Ciidamada baarlamaanka hor yimaadaan.