Xiisad u dhaxeeysa maleeshiyaad uu dhexmaray Dagaal xooggan oo ka taagan Sh/Dhexe

Xiisad u dhexeeysa laba maleeshiyo beeleed ayaa saaka ka taagan deegaanno hoostaga degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii shalay uu dhinayada dhexmaray dagaal geystay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka maleeshiyo beeleedka ayaa salka ku haaya arrimo la xiriira aano qabiil oo horey uga dhacday deegaanada lagu dagaalamayo, in ka badan 5 qof oo maleeshiyaadkii diriray ayaa ku dhintay dagaalka, halka dhowr kalena ay dhaawacyo soo gaareen.

Wararka laga helayo degmada Cadale ayaa sheegaya inay socdaan dadaalo kala duwan oo lagu doonayo in lagu joojiyo dagaalka u dhexeeya maleeshiyo beeleedka oo mar kale saaka laga cabsi qabo inuu qarxo, maadaama dhinacyada ay weli is hor-fadhiyaan.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ee ku diriraya deegaanno hoos yimaada degmada Cadale in si shuruud la’aan ah ay ku joojiyaan colaadaas.

Madaxweynaha ayaa xusay in ayaan darro wayn ay tahay in waqtigaan la joogo dad ehel u dhexmaro dagaal sokeeye iyadoo deegaanada Gobolka Shabeellaha Dhexe ay ka socdaan howlgallo guuleystay oo lagula dagaalamayo Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa faray Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe, Maamulka Degmada Cadale, Ciidamada amniga qeybahooda kala duwan, Waxgaradka iyo Culuma’uudiinka in ay ku baxaan oo ay joojiyaan colaadaas, waxa uuna ku baaqay in si deg deg ah la isugu yimaado gogol nabadeed.

About Webmaster

View all posts by Webmaster