Faah faahin kasoo baxeysa Imaam masaajid ku yaalla magaalada Muqdisho oo la dilay

Faah faahino ayaa laga helayaa kooxo ku hubeysnaa Bastoolado oo xalay fiidkii gudaha degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir ku dilay Imaamka masaajid ku yaalla degmadaas oo lagu magacaabi jiray AUN Sheekh Cabdicasiis Maxamed Xirsi.

Sheekh Cabdicasiis oo Imaam ka ahaa masaajidka Dabaqeynka ee degmada Dharkeenley ayaa sida ay sheegeen goobjoogaal u geeriyooday xabbado dhowr ah oo looga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa, isagoona durbadii ku naf-waayay goobta uu falka ka dhacay.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka degmada Dharkeenley ayaa tagay halka lagu dilay Imaamkii masaajidka Dabaqeynka, isla markaana halkaas ka qaaday Meydka Marxuumka oo la geeyay Xarunta CID-da, kadibna waxaa la geeyay hoygii uu deganaa.

Kooxihii hubeysnaa ee dilka ka danbeeyay ayaa durbadii goobta ka cararay, illaa iyo hadda lama oga sababta loo dilay Sheekh Cabdicasiis Maxamed Xirsi, hayeeshee dilkiisa ayaa waxaa uu kamid noqonayaa dilal horey uga dhacay magaalada Muqdisho.

Muqdisho ayaa waxaa marar kala duwan lagu dilay dad shacab ah, mas’uuliyiin, Askar iyo xubno kale, waxaana inta badan dilalkii ka dhacay magaalada Muqdisho mas’uuliyadooda sheegtay dagaalamayaasha Al-shabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor