Wararka Idaacada Dalsan ay ka heleyso Magaalada Dhuuso-mareeb ee Gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in xilala laga qaaday Saraakiil Sar-sare oo ka tirsan Maamulka Ahlusuna Waljamaaca ee Gobalada dhexe.
Xilka qaadista Saraakiishaan ayaa waxaa ka dhashay Xiisad kadib markii ay qaarkood ka horyimaadeen sida ay wararaku tilmaamayaan,waxaana ay haatan ku suganyihiin guryo ay deganyihiin masuuliyiin sar-sare oo ay geysteen ciidamo badan.
Saraakiisha Xilalka laga qaaday waxaa ka mida Saraakiisha Xilalka laga qaaday waxaa kamida Taliyaha Guud Ee Ciidamada Ahlusunna Macalin Mascuud Maxamed Warsame iyo C/nuur Maxamed Xuseen Gal-qoryaale oo ah Afhayeenka Ciidamada Ahlusunna iyo Saraakiil kale.