Xildhibaannada la magac baxay horusocod ayaa waxaa ay doorteen guddoomiye Cusub kadib Kulan ka dhacay Hoyga uu Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya ka degan yahay Xildhibaan Faarax Sheekh Cabduqaadir oo ka mid ah Madaxda Ururka Damul-Jadiid ee uu hogaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh kana mid ah Xildhibaannada horusocod.
Kulanka ayaa waxaa Xildhibaannada horusocod ay guddoomiye u doorteen Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ka mid ah xildhibaananda Golaha Shacabka Soomaaliya.
Sidoo kale waxa guddoomiye ku xigeen u doorteen Senetor Gen. Cabdullahi Sheekh Cusmaaciil Fartaag iyo xoghayaha oo uu noqonayo Cali Cabdi Cusman Aliyow.
Lama oga waxa xilligaan ku soo beegay in ay guddoomiye doortaan Xildhibaannada la magac baxay horusocod,balse waxa uu ku soo aadaya xilli 30 Bishaan lagu wado in ay dhacdo doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ee uu baneeyey Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.