Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo hadlayay “kulan mahad celin ahaa oo isaga loogu mahad celinayay doorkii uu kulahaa dedaalkii uu ku bixiyay sidii dalka loogu jiheyn lahaa doorasho is ogol ah” ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku aaddan siyaasadda dalka.
Waxaana Xasan Sheikh Maxamuud uu si kulul uga hadlay Dhalinyaro la sheegay in dalka Eriteria tababar loogu qaaday, kuwaasi oo ilaa hadda aysan waalidiintoodu aysan meelna ku sheegin Nolol iyo geeri.
Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud ayaa sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed ee Eritrea ku maqan ay Dowaldda Federaalka Soomaaliya aysan ilaa hadda caddeyn halka dhalinyaradaasi xaaladaha ay ku sugan yihiin iyo tiradooda, isagoo intaa ku daray in Dwoaldda ay kaag baahan yihiin war cad oo ku aaddan dhalinyarada maqan.
Xasan Sheikh oo sii hadlayay sheegay in Dwoalddu ay dhalintaasi iibsatay, oo ay ka dagaalamayaan Itoobiya, waxaana tiro dhowr jeer ah soo baxay warar sheegayay in dhalinyardii Tababarka loogu qaaday Eriteria ay qayb ak noqden dagaalka Itoobiya ay kula jirto Qoomiyadda Tigreega, waxaana waalidiinta ay carruurtoodu ka maqan yihiin ay bannaanbaxyo ka dhigeen Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya iyagoo baaq u diray Dowladda Federaalka, oo ay ka dalbadeen in ay caddeyso halka ay ku sugan yihiin dhalinyardii ay qaadday.