5 Hoobiye ayaa waxa xalay lagu duqeeyey Saldhiga Diyaaradaha ee Deegaanka Balad ee Waqooyiga magaalladda Baqdaad.
Ugu yaraan 3 Qandaraaslayaal shisheeye iyo mid u dhashay Iraq ayaana ku dhaawacmay Duqeyntaasi.
Saldhiga Diyaaradaha ee la duqeeyey waxaa la sheegay inay adeegsato Shirkadda Maraykanka ee SALLYPORT oo ka shaqeysa Diyaaradaha Dagaalka ee F 16 ee ay Ciiddanka Cirka Iraq leeyihiin.
Milliteriga Maraykanka waxay inta badan Duqeymahaj noocaasi ah ku eedeeyaan inay ka dambeeyaan Maleeshiyadda ay Dowladda Iran taageerto, iyadoo Duqeymaha Hoobiyayaasha u muuqdaan kuwo lagu cadaadinayo Maraykanka, si ay Ciiddankooda kala baxaan dalka Iraq.