Guddoomiyaha Xarakadda Alshabaab ugu qaabilsan Goballadda Dhexe, Sheekh Xasan Yacquub ayaa hadalkaasi ku sheegay mar uu la hadlay Weriye ka tirsan Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda Codka Maraykanka (VOA)-da oo ku sugan gudaha dalka Somalia.
Sheekh Xasan Yacquub waxa uu tilmaamay inay ku faraxsan yihiin inay Ciiddanka Ethiopia ka baxaan gudaha dalka Somalia, wuxuuna xusay in Bixitaankaasi sabab u tahay Xiisadaha Siyaasadeed ee ka taagan dalka Ethiopia.
“Ciiddanka Ethiopianka dhabarka ayey jeediyeen” ayuu yiri Mas’uulkaasi ka tirsan Xarakadda Alshabaab.
Hadalkiisa ayaa soo baxay, iyadoo ay Dagaalamayaasha Alshabaab dib ula wareegeen Deegaanadii ay Askarta Ethiopia ka baxeen oo ay ka mid yihiin Deegaanadda Moqokori, Ceel-Cali, Halgan, Galcad, Budbud, Tayeglow,Rab Dhuure, Buur Dhaxanle, iyo Garas Weyne
Dhinaca kale, Afhayeenka Dowladda Ethiopia, Getachew Reda ayaa horey u sheegay inay 4,400 oo Askari kala baxeen qeybo ka mid ah Somalia.
Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay magaalladda Addis Abeba ayuu ku sheegay inuusan Bixitaankaasi dhibaato u keeni Karin Hawlgalka ay Ciiddanka AMISOM ka wadaan gudaha dalka Somalia.
©Radio Dalsan