Tan iyo markii Madaxweyne Farmaajo loo doortay Xilkaasi bishan February 8-dii, waxay Alshabaab markii ugu horreysay soo saartay War Rasmi ah ka soo saartay Doorashadda Farmaajo loo doortay Madaxweynaha DFS.
Sheekh Xasan Yacquub Cali oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Xarakadda Alshabaab ayaa sheegay inuu Madaxweyne Farmaajo la mid yahay Hoggaamiyayaashii horey u soo maray DFS.
Farriin Cod ah oo lagu baahiyey Warbaahinta Xarakadda Alshabaab waxa uu Sheekh Yacquub ku xusay inuu Madaxweyne Farmaajo ka daran yahay Madaxweynayaashii hore, isla markaana uu yahay Muwaadin Maraykan ah o oay Reer Galbeedka u soo tababareen si uu caddowga gacanta ugu geliyo dhulka Soomaaliyeed, waa sida uu hadalka u dhigay.
“Annagu Haddaan muslimiin nahay waxaan leenahay Miizaan ama halbeeg aan wax ku cabirno, qof kasta oo khilaafa halbeegaasi shareecada islaamku jidaysay buudka ayaa lagula tumanayaan waana lala dirirayaa” ayuu yiri Sheekh Xasan Yacquub.
Wuxuuna carrabka ku adkeeyey inay sii wadi doonaan Dagaalka ay kula jiraan DFS iyo Ciiddamadda Shisheeyaha, waa sida uu hadalka u yiri.
Dhinaca kale, Sheekh Xasan Yacquub Cali waxa uu uga digay Shacabka Soomaaliyeed inaysan ku kadsoomin Maamulka Farmaajo, waa sida uu hadalka u yiri Sheekh Xasan Yacquub.
Si kastaba ha ahaatee, Tan iyo sannadkii 2007-dii waxay Xarakadda Alshabaab si joogto ah ula dagaalami jireen Dowladihii dalka soo maray iyo Ciiddanka AMISOM, waxay kaloo Hawlgalo joogto ah ka fuliyaan gudaha dalka Kenya,
©Radio Dalsan