Madaxweyne Farmaajo oo ugu baaqay AMISOM inay Dagaalka Alshabaab ku soo af-jaraan muddo 2-sanno gudaheeda.

Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa hadalkaasi ka sheegay Shir Khaas ah oo uu Villa Somalia kula yeeshay Madaxa AU-da Somalia, Taliska AMISOM iyo Danjirayaasha Dowladaha ay Ciiddamadda ka joogaan Somalia.

Waxa uu ugu baaqay Taliska AMISON inay si dhow ugu wada shaqeeyaan La-dagaalanka Alshabaab iyo sidii Somalia loogu soo dabaali lahaa Nabad iyo Deganaansho, waa sida uu hadalka u yiri.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu carrabka ku dhuftay inay Dowladdiisa kaalin muhiim ah ka qaadanayso haddii ay  Beesha Caalamka ka helaan Taageero.

“”Hamigeygu waa in Alshabaab laga guuleystaa 2-sanno ee soo socota gudaheeda, waxaana ku rajo weynahay haddii aan si wadajir u wada shaqeyno inaan awoodi karno inaan ka guuleysano Alshabaab” ayuu yiri Madaxweynaha sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu intaasi ku daray inuu jeclaan lahaa inuu arko in labada sanno ee soo socota Nabad iyo Deganaansho lagu soo dabaalo Somalia.

Kulanka Madaxweynaha la yeeshay AU-da iyo AMISOM waxaa goobjoog ka ahaa Ergayga Gaarka ee AU-da ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Ambassador Farncisco Madeiro, Danjirayaal iyo Diplomaasiyiin ka kala socotay Safaaradaha Jabuuti, Kenya, Burundi iyo Uganda ku leeyihiin Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, Hadalka Madaxweyne Farmaajo ayaa ku soo beegmay, iyadoo ay Xarakadda Alshabaab soo saareen War Rasmi ah inay Dagaal kala hortegayaan Dowladda Madaxweyne Farmaajo.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media