Madaxweynihii hore ee Afganistan  ayaa hadalkaasi ku sheegay Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitterka, wuxuuna xusay inaan Afganistan loo isticmaali karin dhul lagu tijaabiyo Hubka.
Waxa uu intaasi ku daray inaysan tani qeyb ka ahayn dagaalka lagula jiro Argagixisadda, balse uu yahay Fal caddowtooyo leh, kana baxsan Aadminimadda iyo in si qaldan loogu isticmaalay dalkiisa, sidii dhul lagu tijaabiyo hubka cusub ee khatarta ah.
Hadalkiisa ayaa soo baxay, iyadoo ay Milliteriga Maraykanka shalay Bamkii ugu weynaa ku duqeeyeen dhismo dhulka hoostiis oo ay Kooxda Daacish ku lahaayeen Degmadda Ajin ee Gobalka Nangarhar.
Bamkaasi oo lagu naanayso Hooyadii Bambooyinka oo idil ayaa waxaa Khamiistii la soo dhaafay laga ganay  Diyaarad Dagaal oo ay Milliteriga Maraykanka leeyihiin, oo nooceedu ahaa MC 130, iyadoo Bamkaasi culayskiisu dhamaa 9.797 Kiilogaram.
Bamkan oo culayskiisa la mid ah 11-tan ee maadada TNT ee loo adeegsado qaraxyada ayaa waxaa lala beegsaday dhismo dhulka hoostiisa ku yaalla, waxaana lagu dilay 36 Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Daacish.
©Radio Dalsan