Maamulka Hirshabeelle oo Codsi u diray Ingiriiska

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dowladaha Hoose ee Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa Maanta Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka dowladda Ingiriiska Mudane Ben Fender.

Labada masuul ayaa iska waraystay marxaladda kala guurka ah ee deegaanada Hirshabeelle, arrimaha amniga, dib u heshiisiinta iyo sida doorashooyinka ku soo fool leh ay u noqon lahaayeen kuwo xor iyo xalaal ah.

Wasiir Maxamed Cali Caadle ayaa Safiirka dowladda Ingariiska u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya uga mahadceliyay taageerada ay dowladdiisu la garab taagan tahay dadka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dowladaha Hoose ee Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle ayaa ka codsaday Safiir Fender in ay si gaar ah u garab istaagaan Hirshabeelle, maadaama uu yahay dowlad gobaleedka ugu nugul ee ugu da’da yar.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media