Maamulka Galmudug ayaa ku guuleystay xallinta deegaanno ay ka jireen is qabqabsi dhanka dhulka ah oo u dhexeeyey xoolo dhaqato wada daga deegaanada Sadex Higlo iyo Gowlale oo ka tirsan Gobolka Mudug.
Masuuliyiin isugu jira Maamulka Gobalka Mudug, Taliska Qeybta Booliska Gobalka Mudug iyo xildhibaano ayaa ku guuleystay in ay wax ka qabtaan khilaafaadka mudooyinkii la soo dhaafay ay isku hayeen beelo ka mid ah kuwa dega gobolkaasi.
Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in la xaliyay xiisad ka jirtay halkaas oo u dhexeeysay laba maleeshiyo beeleed, isla markaana haatan xaaladda ay tahay mid degan, lana xaliyay khilaafyadii jiray sida uu sheegay Maamulka Mudug.
Marar badan ayeey sidaan oo kale deeganada gobolka Mudug uga dhaceen xiisado iyo shaqaaqooyin la xariira lahaanshiyaha dhul daaqsimeydo ku yaala deeganka Gobolka iyo goobaha biyaha laga cabo iyadoo maamulku uu ku dadaalayo sidii mardanbe aysan deeganka ugu soo laaban dhacdooyin kuwaan lamidka ah.