Puntland oo Digniin kasoo saartay Roobab daadad xoogan sababi kara

Wasaaradda Arrimaha deegaanka Beeraha iyo Isbedelka Cimilada dowlad Goboleedka Puntland ayaa soo saartay Digniin Cusub oo ku socota dadka degan deegaanada Gobolada Bari iyo Sanaag, waxaana lagu wargeliyay roobab daadad wata oo halkaas ku wajahan.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda deegaanka Beeraha ayaa waxaa lagu sheegay in deegaanada Puntland gaar ahaan Gobolada Bari iyo Sanaag laga qabsi qabo inay ka da’aan  roobab sababi kara daadad xoogan, isla markaana daadadka ku rogmadaan deegaano ka tirsan Goboladaas.

Dadka deggan deegaanada ay dhulalkoodu hooseeyaan, meelaha biyo mareenka ah iyo Togaga ayaa loogu baaqay inay ka digtoonadaan daadadka ka dhalan kara roobabka.

Digniintan kasoo baxday Maamulka Puntland ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa, iyadoo saacadihii lasoo dhaafay roobab xoogan oo dabeylo wata ay ka da’een Gobolka Karkaar ee Puntland.

Hoos ka Akhriso Qoraalka Wasaaradda Beeraha Puntland kasoo baxay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media