Xaalladda Degmadda Afgooye ayaa saakayto deggan, kadib, markii gelinkii dambe ee shalay ka dhaceen dagaal u dhexeeyey Ciiddanka Dowladda iyo Xarakadda Alshabaab.
Ciiddanka Dowladda ayaa haatan ku sugan Degmadda Afgooye, waxayna ilaa iyo xalay wadeen Hawlgalo lagu sugayo Ammaanka.
Goobihii Ganacsiga iyo Isku-socodka Dadka iyo Gaadiidka ayaa caadi ku soo laabtay, waxayna Maamulka Afgooye sheegeen inay Ciiddanka Dowladda iyo kuwa AMISOM si buuxda gacanta uga hayaan Afgooye iyo Deegaanadda ku hareeraysan.
Dhinaca kale, Iska-horimaadkii shalay ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen 10-qof oo 3 ka mid yihiin Mas’uuliyiin.
Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Ibraahim Cali Aadan Najax ayaa xaqiijiyey in Mas’uuliyiintii lagu dilay iska horimaadkii shalay ay ka mid yihiin:-
Taliyihii Ciiddanka Asluubta ee Degmadda Afgooye, Marxuum Labo Xiddigle C/qaadir Maskiinow, Taliye-xigeenkii Ciiddanka Birmadka, Marxuum G/sare Axmed C/qaadir Cabdulle iyo Isku-duwihii Maaliyadda Maamulka K/galbeed ugu qaabilsanaa Gobalka Sh/hoose, Marxuum Maxamuud Daahir Qooleey. .
©Radio Dalsan