Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa gaaray Qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya Baarlamaanka Hirshabeelle iyo Siyaasiyiin, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.
Garoonka diyaaradaha Maxamed Dheere ayaa waxaa wafdiga Odayaasha iyo Siyaasiyiinta ksuoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle iyo xubno kale, waxaana looga gudbiyay halka loo diyaariyay in la dejiyo.
Odayaasha dhaqanka ee Maanta tegay Jowhar ayaa kusii baraya Odayaal kale oo soo xulaya Baarlamaanka Hirshabeelle oo maalmo kahor halkaas gaaray, waxaana la filayaa in wufuud kale ay tegaan Magaalada.
Guddiga qaban qaabada Doorashada iyo dhismaha Baarlamaanka labaad ee Hirshabelle ayaa Odayaasha dhaqanka beelaha ee degan deegaanada Maamulka  inay tageen Jowhar si ay usoo xulaan Xildhibaanada ku metelaya maamulka.
Jowhar ayaa waxaa ka socda diyaar garoowii ugu dambeeyay ee lagu soo xulayo Xildhibaanada, waxaana markii la soo xulayo Mudanayaasha ay dooran doonaan Guddoon, kadibna waxaa la dooran doonaa Madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku-xigeenka.