Weriyahaasi oo lagu magacaabo Rod Nordland waxaa la qabtay xilli uu ka soo degay Garoonka Ataturk ee magaalladda London, waxaana dib loogu celiyey Diyaaradii uu la socday oo ku sii jeeday magaalladda London.
Boliska Garoonka Istanbul waxay Weriyaha u sheegeen inuu magaciisu ku jiro Liiska Wasaaradda Arrimaha Gudah Turkiga ee Dadka lagu mamnuucay inay soo galaan Turkiga.
Weriyahaasi waxa uu horey Warar uga soo tebin jirey in ka badan 150-Waddan, oo ay ku jirto Turkiga oo uu bishii hore ku sugnaa.
Dhinaca kale, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkiga, Xuseen Muftyglu ayaa sheegay inay baarayaan sababaha Weriyahaasi loo masafuriyey.
Saraakiisha Turkiga waxay horey u sheegeen inaysan ku faraxsnaayn qaar ka mid ah Maqaalaad uu Saxafiga Rod Nordlanqoray bilihii November iyo December ee sannadkii hore, gar ahaan mid uu ka qoray Kooxda PKK.
Dowladda Turkiga waxay gacan bir ah ku qabatay Suxufiyiinta lala xiriiryo Shabakadda Fatxullaahi Gulen, waxaana haatan ku xiran 145 Saxafi oo bdnkooda ku eedeysan dcwado la xiriirta Argagixiso.
©Radio Dalsan