Afhayeenka Milliteriga ee dalkjaasi Diarran Kone ayaa sheegay in 5 Is-qarxiyayaal wadatay gari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa isku qarxiyeen gudha Xero Milliteri oo ku taalla magaalladda Ga’o.
Waxa uu intaasi ku dqray inay 115 qof ku dhawacantay Is-qarxintasi oo uu xusay inay tahay weerarkii ugu xuma ee ay Maleeshiyadda muddo sannado ah ka geystaan Maali.
Afhayeenadda Ciiddanka Nabad-ilaaliyayaasha QM ee jooga dalkaasi, Rdhi Ajouri waxay sheegtay inay dhimashadu ka sarreyn karto 50-Askari.
Waxay intaasi ku dartay inay Maleeshiyadda gaari miineysan ku dhufteen Albaabka laga soo galo Xerada, iyadoo dhowr Is-qarxiye soo galeen gudaha, ka hor intaysan isku qarxinin 600 Askari oo hal meel ku sugnaa.
Dhinca kale, Mdaxweynaha dalka Maali, Ibraahim Bubakar Keita waxa uu ku dhwaqy 3 maalmood oo Baroor-diiq Qaran ah.
©Radio Dalsan