Wafdi ka socda Dowladda Federaalka gaar ahaan Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda ayaa socdaal ku gaaray Xarumaha Ciidanka Xoogga Dalka ee degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.
Ujeedka wafdiga ee Dhoobley ayaa waxaa uu yahay sidii ay wacyi-galin ballaaran oo ku aadan ka hortagga askareynta Caruurta uga sameeyn lahaayeen Xarumaha Ciidamada dowladda ee halkaas ku yaalla.
Inta ay ku sugan yihiin Degmada Dhoobley wafdiga ayaa waxaa ay kulamo kala duwan la qaadan doonaan Saraakiisha Ciidanka Xoogga ee ku sugan degmadaas iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, iyagoona kala hadli doona Arrimaha ka hortagga askareynta Caruurta.
Hore ayay Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga XFS tababaro la xiriira ka hortagga askareynta caruurta ugu soo fuliyeen degmooyin ka tirsan Gobalada dalka , waxaana socda dadaalada lagu doonayo in lagu wacyi-galiyo Ciidanka iyo saraakiisha hogamineysa.