Wararka Idaacadda Dalsan ay ka heleyso Magaalada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas uu Goordhow ka dhacay weerar sababay dhimasho.
Koox hubeysan oo watay gaari nooca yar ayaa rasaas farabadan ku furay dad shacab ah oo ku sugnaa goob maqaaxi ah oo ku taal Caabudwaaq, waxaana halkaas ka tegay raggii hubeysnaa ee falkaas geystay.
Goobjoogayaal ayaa soo weriyay in weerarka uu ka dhashay Khasaaro dhimasho, waxaana goobta ku geeriyooday laba oo ku sugnaa maqaaxida, kuwaasi oo magacyadoosa lagu sheegay Shiino farah Gurxaniyo iyo Cabddul diiriye shaaciye.
Ciidanka amniga Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa wada dadaalo lagu doonayo in lagu soo qabto raggii weeerarkaas geystay, iyagoona Ciidanka wada howlgal baaritaano ah.
Warar hordhac ah ayaa sheegaya in weerarkii dhacay uu yahay mid salka ku haayo arrimo la xiriira aano qabiil, isla markaana weerarkaas ay geysteen rag hubeysan oo maleeshiyaad ah.
Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud iyo deegaano kale oo hoostega Magaaladaas ayaa waxaa horey uga dhacay weeraro noocaan oo kale ah oo markii dambe isku bedelay dagaal beeleedyo sababay khasaaro kala duwan.