Wararka naga soo gaaraya Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan in weerar Bambaano Caawa lagu qaaday guriga guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Baay.
Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in ay maqleen jugta bam gacmeedka lagu weeraray guriga guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Baay Marwo Muraayo.
Inta la xaqiijiyay weerarkaas bam gacmeedka ah ayaa waxaa ku dhaawacmay laba ruux,waxana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka koonfur Galbeed walow aan gacanta lagu dhigin dadkii ka dambeeyay.
Weerarkaan Bambaano ee Caawa ka dhacay Magalada Baydhabo ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli ay Magaladaas ku sugan yihiin musharixiin farabadan oo uu ka mid yahay Muqtaar Roobow Abuu Mansuur oo ka mid ahaan jiray hogaamiyeyaasha Al-Shabaab.