• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Tuesday, May 13, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Waxqabadka Dowladda ee Usbuucii la soo dhaafay (Sawirro)

Dalsan Editor by Dalsan Editor
April 18, 2015
in Warar
Reading Time: 15 mins read
A A
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Waxqabadka Dowladda ee Usbuucii la soo dhaafay

MoI Logo

Waxqabadka Dowladda ee Usbuucii la soo dhaafay

Mogadishu, 18 April 2015 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay. Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Qabqabasho iyo Xukunno lagu fuliyey denbiilayaal ka tirsan argagixsada Al-Shabaab, Qorshe Howleedka Baarlamaanka oo la diyaariyey, Shirka Maamul u Sameynta Gobollada Dhexe oo furmay, Imtixaan Qaran oo laga hirgelinayo Soomaaliya, Dowladda Federaalka iyo Puntland oo mideeyey aragtidooda dhameystirka federaalaynta dalka iyo xoojinta hay’adaha dawladda, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo taageero u raadinaya xukuumadiisa ayaa guul kala soo kulmay safarkii uu ku tegay UAE iyo Shir Wadatashi ee siyaasada Dhalinyarada iyo Cayaaraha oo lagu qabtay Muqdisho.

Qabqabasho iyo Xukunno lagu fuliyey denbiilayaal ka tirsan argagixsada Al-Shabaab

Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidanka Qalabka sida ayaa 15kii April 2015 waxey xukunno ku riday 7 xubnood oo ka tirsan kooxda Argagixisada ah ee UGUS kuwaas oo maxkamdu sheegtay in ay qirteen Dambiyada Xeer ilaalinta maxkamadu ku soo eedeysay waxaana xukunada yihiin xabsi waqtiyo kala duwan ah. Kaaliyaha Maxkamada Ciidanka qalabka sida Gaashaanle dhexe Xasan Cabdi raxmaan Aadan ayaa ku dhawaaqay xukunka maxkamada kooxdaas argagixisada ah oo ciidamada amaanku ay soo qabteeen iyagoo dhibaatada bulshada Muslimka ah ee Soomaaliyeed ka shaqeynaya ayaa waxaa lagu kala xukumay xabsiyo 10 sanno ilaa 5 sanno u dhaxeeya. Shaqsiyaadka xukunnada lagu kala riday ayaa magacyadoodu kala yihiin: Cabdi raxmaan Axmed Afrax, Cabdi raxmaan Muqtaar Caamir, Cabdi naasir Aadan Caynte, Cabdulaahi Xersi Maxamed, Maxamed Xasan Cali, Maxamed Cabdi Yuusuf, iyo Maxamed Deeq Cabdul qaadir Fiidow. Dowladda Federaalka ayaa in muddo ahba waday nabadeynta iyo xasilinta dalka, oo xukunnadan lagu riday dambiilayaasha ay marqaati u tahay in qof dambiile ah uusan fakan doonin, lana rajeynayo inay tusaale u noqoo danbiilayaasha si ay u joojiyaan danbiyada ay geysanayaan.

Qorshe Howleedka Baarlamaanka oo la diyaariyey

Guddoonka Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay inay 15kii April 2015 Xukuumadda u gudbiyeen Qorshe Howleedka Baarlamaanka uu ku shaqeyn doono kalfadhiyada soo socda, si loo dar dar geliyo wada shaqeynta ka dhexeysa labada gole. Guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa yiri “Xukuumadda waxaan u bandhignay habka u shaqeyn doono Baarlamaanka kalfadhiyada 6aad, 7aad iyo kan 8aad, si aan isla jaan qaadi karno, waxyaabaha ay u baahanyihiin in loo meelmariyo oo ay soo kala hor mariyaan kuwa ahmiyadda u leh, waqtiga haray ma badna, waqtiga wuu yaryahay, in loo xoojiyo wada shaqeynta labada gole, in sidoo kale wadatashiga hay’adaha kale lala yeesho, sida culimaa’udiinka iyo qeybaha bulshada” ayuu yiri Prof Jawaari. Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa xusay in tani ay tahay nidaam cusub oo ku saabsan in labada gole ay isla jaan qaadaan oo ay meesha ka baxdo is qab qabsi, isla markaana si wada jir ah loogu shaqeeyo danaha danta guud ee dalka.

Shirka Maamul u Sameynta Gobollada Dhexe oo furmay

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa si rasmi ah u furay 16kii April Shirka Maamul u Sameynta Gobollada Dhexe. Madaxweynaha ayaa Cadaado gaaray 14kii April 2015 si uu u dhiiri geliyo dadka deegaanka inay sameystaan maamul loo dhan yahay oo rabitaanka shacabka deegaanka ku yimid. Madaxweynaha ayaa dhowr jeer socdaalo ku kala bixiyey gobollada dhexe isagoo muujinayo sida uu u doonayo in dadka deegaanka ay sameystaan Maamul Goboleed matali kara shacabka deegaanka. Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si diirran ugu soo dhoweeyay magaalada Cadaado Madaxda degaanka iyo dadweyne fara badan oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cabdiraxmaan Odowaa, oo hoggaaminayay wafdiga hordhaca ah ee ka horreeyay wafdiga Madaxweynaha. Furtitaanka shirka waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, Odayaal Siyaasiyiin iyo diblomaasiyiin. Madaxweynaha Soomaaliya oo furitaanka shirka khudbad dheer ka jeediyay ayaa bogaadiyay dadaaladii loo soo galay in shirka uu maanta furmo waxaana uu sheegay in shirkan uu socon doono muddo 45 cisho ah isagoo odayaasha deegaanka ugu baaqay in ay shirkan ka soo saaraan wax ay isku waafaqsan yihiin.

Imtixaan Qaran oo laga hirgelinayo Soomaaliya

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ayaa 13kii April 2015 isku waafaqay in hal mar dalka oo dhan laga qaado imtixaan Qaran, isla markaana Arday kasta oo imtixaanka ka qeyb qaadanaya uu buuxiyo Foomka Diiwaan gelinta Ardayda kaas oo ay wada meel mariyeen Wasaaradda iyo Dalladaha Ahliga ah ee inta badan gacanta ku haya Iskuulada sida gaarka ah loo leeyahay. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Prof Maxamed Abdulkadir Nuur ayaa sheegay in sanadkaan Wasaaradda ay ka go’antahay in ay qaaddo Imtixaan Qaran oo loo dhanyahay loogana baahan yahay Dhamaan dalladaha iyo Ardayda in ay u hoggaansamaan. Dowladda Federaalka ayaa in muddo ahba waday qorshe lagu tayeynayo waxbarashada dalka, tanoo qeyb ka ah sidii imtixaan Qaran loo qaadi lahaa, oo wax badan ka bedeli doonta nidaamka waxbarashada dalka.

Dowladda Federaalka iyo Puntland oo mideeyey aragtidooda dhameystirka federaalaynta dalka iyo xoojinta hay’adaha dawladda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke ayaa booqasho ku tegey Puntland 10kii ilaa 12kii April 2015. Ujeedada booqashada ayaa aheyd sidii loo xoojin lahaa xiriirka Puntland iyo Dowladda Federaalka si loo dardargeliyo dhaqangelinta barnaamijka hiigsiga 2016ka. Kulan wada tashi iyo wada xaajood uu Ra’iisul Wasaare Cumar la yeeshay Madaxweynaha Puntland iyo maamulkiisa ayaa waxaa la isku raacay war-muurtiyeed qeexaya sida loogu baahan yahay in loo dardargeliyo dhaqangelinta barnaamijyada New Deal-ka, Dib u eegista dastuurka, iyo dimoqraadiyeynta dalka. Waxaana la isla gartay in heshiisyadii horey loo galay la dhaqangeliyo. Sidoo kale waxaa la isla gartay in loo diyaar garoobo shirka madasha wadatashiga Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka iyo Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada. Dowladda Federaalka iyo Puntland oo mideeyey aragtidooda dhameystirka federaalaynta dalka iyo xoojinta hay’adaha dawladda. Labada dhinac waxay ku heshiiyeen inay si toos ah iskaashi iyo wadashaqayn buuxda u yeeshaan wasaaradaha labada dhinac.

Dowladdaha Imaaraadka iyo Soomaaliya oo Iskaashigooda xoojinaya

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke oo safar shaqo ku tagay dalka Isku taga Imaaraadka Carabta (UAE). Ujeedada safarka ayaa ahaa sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo sidii ay labada dal isaga kaashan lahaayeen arrimaha amniga, burcad-badeeda, dhismaha hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliya iyo sidii mashaariic horumarineed looga fulin lahaa Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha ayaa safarkiisa waxaa ku wehliyey wasiiro oo dhigooda dalka Imaaraadka kulamo la yeeshay kuna heshiiyey in iskaashi ballaaran uu dhex maro hay’adaha dowliga ah ee labada dal. Sidoo kale Imaaraadka Carabta ayaa Soomaaliya ka taageereysa sidii loo tayeyn lahaa ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.

Dowladda Federaalka oo tayeyneysa Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa ka qeybgalay xuska 55 guurada markii la aasaasay Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed (CXD) oo 12kii April 2015 lagu qabtay xarunta Wasaarada Gaashandhiga. Munaasabada xuska CXD ayaa lagu soo bandhigay waxqabadka CXD isla markaasna lagu dhiiri geliyey geesiyaasha ciidanka guulahii is-daba jooga ahaa oo ay ka soo hoyeen dagaalka lagula jiro kooxaha nabad-diidka ah. Ciidanka ayaa sanooyinkii la soo dhaafay lagu sameeyey dib u habeyn, isla markaasna tababaro fara badan loo fidiyey oo lagu tayeynayey ciidanka oo maanta si professional ah u dhaqma una dhowra xuquuqda bani’aadanka muwaadiniinta Soomaaliyeed. Ciidanku waa lafdhabarka bulshada oo lagu ammaanay inay har iyo habeen difaacayaan shacabka Soomaaliyeed. Dowladda Federaalka ayaa wada dadaalo lagu tayeynayo ciidanka si ay mustaqbalka dhow ula wareegaan sugidda amniga dalka.

Shir Wadatashi ee siyaasada Dhalinyarada iyo Cayaaraha oo lagu qabtay Muqdisho

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, isla markaasna ahaa Ku Simaha Madaxweynaha Mudane Maxamed Shiikh Cismaan “Jawaari” ayaa 16kii April 2015 furay shir wada tashi ah oo ay soo qaban qaabisay wasaarada Dhalinyarada iyo Isboortiga ee dowlada Federaalka Soomaaliya islamarkaana ay ka qeyb galeen dowlad goboleedyada dalka ka jira iyo mas’uuliyiinta xiriirada isboortiga ee dalka. Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Somaaliya Maxamed C/laahi Xasan “Nuux” ayaa soo dhaweeyay ka qeyb galayaasha shirka. Furitaankii shirkan wada tashiga ah ayaa waxaa hadalo ka jeediyay wasiirada ka socday dowlad goboleedyada ka jira dalka oo ay ka mid ahaayeen wasiirka Isboortiga, Dhalinyarada iyo shaqada iyo shaqaalaha ee Puntland C/raxmaan Axmed C/lle, Wasiirka Arrimaha bulshada ee Jubbaland Maxamed Ibraahim Maxamed iyo Wasiirka Isboortiga iyo Dhalinyarada ee Koonfur Galbeed C/laahi Cabdi Cumar Fanax. Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari oo si rasmi ah u furay shirkan wada tashiga ah ayaa ku baaqay in la sameeyo shir ay ka wada qeyb galayaan dhamaan dhalinyada Soomaaliyeed, isagoo ballan qaaday in Baarlamaanka uu meel marin doono waxyaabaha ka soo baxa shirkaasi.

DHAMAAD
Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, [email protected]

Weekly4 copy

Weekly5

Weekly7 copy

Weekly11

Weekly copy

Weekly1 copy
Previous Post

Taliyihii Ciiddanka Milliteriga Kenya ee amray inay Ciiddankiisa gudaha u soo galaan Soomaaliya oo xilka laga qaaday

Next Post

Cunug yar oo Somali ah oo ay Ciiddanka Badda Talyaaniga badbaadiyeen

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

R/Wasaare Xamsa oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika
Warar

R/Wasaare Xamsa oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika

May 13, 2025
Puntland iyo Q.M oo ka wadahadlay Arrimaha Bini’aadinimada iyo Xasilinta.
Warar

Puntland iyo Q.M oo ka wadahadlay Arrimaha Bini’aadinimada iyo Xasilinta.

May 13, 2025
Soomaaliya iyo Azerbaijan oo kala saxiixday heshiis maalgashi beeraha ah
Warar

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo kala saxiixday heshiis maalgashi beeraha ah

May 13, 2025
Maamulka Gobolka Banaadir oo Dadaal Adag Ku Bixiyay Soo Celinta Bilicda Muqdisho
Warar

Maamulka Gobolka Banaadir oo Dadaal Adag Ku Bixiyay Soo Celinta Bilicda Muqdisho

May 13, 2025
Xisbiga Cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxda Maamul Goboleedyada oo Lagu Wado in Lagu Dhawaaqo Muqdisho
Warar

Xisbiga Cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxda Maamul Goboleedyada oo Lagu Wado in Lagu Dhawaaqo Muqdisho

May 13, 2025
Puntland oo Beesha Caalamka Ka Dalbatay Ka Qaybgal Barnaamijyada Xasilinta Soomaaliya
Warar

Puntland oo Beesha Caalamka Ka Dalbatay Ka Qaybgal Barnaamijyada Xasilinta Soomaaliya

May 13, 2025
Next Post

Cunug yar oo Somali ah oo ay Ciiddanka Badda Talyaaniga badbaadiyeen

Saudi Arabia to Buy $142 Billion in U.S. Weapons as Trump Secures Major Middle East Arms Deals

Saudi Arabia to Buy $142 Billion in U.S. Weapons as Trump Secures Major Middle East Arms Deals

by Liban
May 13, 2025
0

WASHINGTON, D.C. — In a sweeping and controversial move that reshapes U.S. military influence in the Middle East, the White...

R/Wasaare Xamsa oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika

R/Wasaare Xamsa oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika

by Ilhaan
May 13, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ku-simaha Wakiilka Gaarka ah ee Midowga...

Puntland iyo Q.M oo ka wadahadlay Arrimaha Bini’aadinimada iyo Xasilinta.

Puntland iyo Q.M oo ka wadahadlay Arrimaha Bini’aadinimada iyo Xasilinta.

by Ilhaan
May 13, 2025
0

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Puntland, Mudane Ilyaas Cusmaan Lugatoor, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay...

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo kala saxiixday heshiis maalgashi beeraha ah

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo kala saxiixday heshiis maalgashi beeraha ah

by Ilhaan
May 13, 2025
0

 Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa magaalada Baku ku saxiixay...

Saudi Arabia to Buy $142 Billion in U.S. Weapons as Trump Secures Major Middle East Arms Deals
English News

Saudi Arabia to Buy $142 Billion in U.S. Weapons as Trump Secures Major Middle East Arms Deals

May 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
R/Wasaare Xamsa oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika
Warar

R/Wasaare Xamsa oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika

May 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Puntland iyo Q.M oo ka wadahadlay Arrimaha Bini’aadinimada iyo Xasilinta.
Warar

Puntland iyo Q.M oo ka wadahadlay Arrimaha Bini’aadinimada iyo Xasilinta.

May 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Soomaaliya iyo Azerbaijan oo kala saxiixday heshiis maalgashi beeraha ah
Warar

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo kala saxiixday heshiis maalgashi beeraha ah

May 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Capital on the Mend: Mogadishu’s Post-Flood Restoration Efforts Gain Momentum
English News

Capital on the Mend: Mogadishu's Post-Flood Restoration Efforts Gain Momentum

May 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Maamulka Gobolka Banaadir oo Dadaal Adag Ku Bixiyay Soo Celinta Bilicda Muqdisho
Warar

Maamulka Gobolka Banaadir oo Dadaal Adag Ku Bixiyay Soo Celinta Bilicda Muqdisho

May 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Saudi Arabia to Buy $142 Billion in U.S. Weapons as Trump Secures Major Middle East Arms Deals
  • R/Wasaare Xamsa oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika
  • Puntland iyo Q.M oo ka wadahadlay Arrimaha Bini’aadinimada iyo Xasilinta.
  • Soomaaliya iyo Azerbaijan oo kala saxiixday heshiis maalgashi beeraha ah

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00