Qoraal ay Hay’addu soo saartay ayey ugu baqday Dowlada Marykanka iyo Dowladaha kale inay wada joojiyaan Taageeradd Milliteri ee ay siiyaan Dowladda Madaxweyne C/fataax Alsisi.
Qoraalka ayaa soo baxay, kadib, markii la soo bandhigay Muuqaal Video oo muujinaya dilka ugu yaraan 2 qof oo loo soo mrin Nidaamka Sharciga.
Human Rights Watch waxay sheegtay inay Goobjoogayaal u xaqiijiyeen in dadka rayid ee ay Milliteriga Masar dileen ahaayeen dhallinyaro Xagaagii hore lagu qabtay magaalladda Rafax.
Madaxa Hy’adda Human Rights ee Barig Dhexe, Joe Strok aya sheegay inay soo ururiyeen Goobjoogayaal sheegay inay Ciiddanka Ammaanka Masar maxaabiista kala soo baxaan goobaha dadka lagu hayo, kadibna ay dhulka Lama-degaanka ku soo dilaan.
Muuqaal Video oo uu Telefishinka Mucaaradka ee – Mekameleen ee ay Xaruuntiisa Dhexe ku taallo dalka Turkiga ayaa baahiyey Muuqaalka 2 nin oo indhaha ka xiran, kuwaasi oo ay Askar aan wadnin dharka Ciiddanka ka wada toogteen Madax.
©Radio Dalsan