• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Tuesday, May 13, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Waxqabadka Dawladda ee usbuucii la soo dhaafay (Sawirro)

Dalsan Editor by Dalsan Editor
September 26, 2015
in Warar
Reading Time: 12 mins read
A A
2
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Shirka Madasha Wadatashiga Heer Qaran oo Muqdisho ku qabsoomay, Safiirka cusub ee Soomaaliya ee dalka Mareykanka oo Barak Obama uu Waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay, Rugta Ganacsiga iyo DEIK oo heshiis ku kala saxiixday Ankara, Beeraleyda Sh/Hoose oo tababar loo furay, Dowladda Federaalka oo Deeq Daawo ah gaarsiisay Maamulka Koofur-Galbeed, Olole Nadaafadeed oo Muqdisho si xowli ah uga socda, Shaqaale la barayo howlaha Gurmadka –Dabdemiska ah iyo Tartan Cayaarta Kobdhoodka oo Muqdisho lagu qabtay.

Shirka Madasha Wadatashiga Heer Qaran oo Muqdisho ku qabsoomay

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 19kii September 2015 furay shirweynaha looga tashanayo arrimha Hiigsiga 2016-ka oo ay ka qeyb galeen Madaxda Maamul Goboledyada Dalka ka jira iyo Madaxda Dowladda Federaalka.

Madasha Wadatashiga heerka Qaran ee looga tashanayo mustaqbalka dalka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Ra’iisul wasaare Mudane Cumar Cabdirashiid, Ra’iisul wasaare ku-xigeen Mudane Maxamed Cumar Carta Qaalib, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, Madaxweynayaasha Puntland, Koonfur-Galbeed, Galmudug iyo Jubbaland, iyadoo dhanka beesha caalamka ay ka qeyb galeen Wakiilada Qaramada Midoobay, IGAD, Jaamacadda Carabta iyo xubno kale oo ka socday safaaradaha beesha caalamka.

Shirkan oo socday 3 cisho ayaa gabogabadii waxaa laga soo saaray War-Murtiyeed oo la isku raacay in la sameeyo guddo farsamo oo ka soo talo bixiya sida ugu habboon ee doorashooyin dalka looga hirgelin kara Soomaaliya sanadka danbe, isla markaasna ay jiri doonaan guddi heer wasiir ah oo la shaqeynaya guddiga farsamada oo uu hoggaamin doono Ra’iisul Wasaaraha, ka dibna ay waxii tallooyin ah u soo gudbin doonaan Madasha Wadatashiga ee Heer Qaran oo uu Madaxweynaha Dowladda Federaalka shir-guddoomin doono, iyadoo ay Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyadana ay madashaas xubno ka yihiin. Sidoo kale waxaa la isla gartay in sanadka danbe la qabto doorashooyin ka sharciyad fiican kuwii 2012kii oo kalsooni buuxda siineysa shacabka Soomaaliyeed.

Safiirka cusub ee Soomaaliya ee dalka Mareykanka oo Barak Obama uu Waraaqihii aqoonsiga ka guddooma.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa 17kii September 2015 warqadihii aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad. Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ka dhacday Aqalka Cad ee Mareykanka.

Axmed Ciise wuxuu baddalay safiirkii hore ee Maraykanka, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo noqday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya bishii December ee sannadkii hore.

Safiirka cusub ee Soomaaliya Axmed Ciise ayaa sheegay in Obama ay kawada hadleen arrimaha Soomaaliya, isagoo sheegay inuu si weyn u daneynayo arrimaha Soomaaliya.

Safiirka ayaa sheegay in dhawaan albaabada loo furi doono safaaradda cusub ee Soomaaliya ee magaalada Washington.

Rugta Ganacsiga iyo DEIK oo heshiis ku kala saxiixday Ankara

Guddoomiyha Rugta Ganacsiga Soomaliya Maxamuud Cabdi Gabeyre iyo wafdi la socday oo maal mahan booqasho ku joogay caasimada dalka Turkiga ayaa 20kii September 2015 heshiis isfahan ah kula saxiixday Istanbul hey’adaha ugu waa weyn Turkiga, DEIK oo qaabilsan xiriirka arrimaha dhaqaalaha ee dibadda (DEIK foreign economic relationship Board).

Heshiiska waxaa goob joog ahaa Agaasimaha Rugta Ganacsiga Soomaliya, Cabdi Abshir Dhoore iyo Madaxa Xafiiska Ganacsiga ee Safaaradda soomaliya ee dalka Turkiga Mudane Yuusuf Axmed Xasan “Jeego”.

Heshiiska waxaa uu ka koobnaa 8 qodob, waxaana wada saxiixay dhanka Soomaliya Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Soomaaliya Gabayre dhanka kale waxaa u saxiixay Xoghayaha guud, ee DEIK Mustafa Mente.

Kulanka ayaa inta uu socday waxa uu Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ka warbixiyay dhamaan fursadaha ka jira dalka iyo sida ay muhiim ugu tahay walaalahooda dalka Turkiga inay wax wada qabsadaan, iyadoo Xoghayaha Guud ee DEIK uu ballan qaaday inay abuuri doonaan Ganacsiga ka dhaw midka ay la leeyihiin Soomaaliya hada ayna usoo diri donaan wafdi balaaran oo ah ganacsatada Turkiga ah sida ugu dhaw.

Beeraleyda Sh/Hoose oo tababar loo furay

Wasaaradda Beeraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa 21kii September tababar u furtay Beeralay ka socotay 16 Tuulo oo ku taala Gobolka Shabeellaha Hoose.

Beeralayda Tababarka loo furay ayaa gaarayay 50 Ruux oo ka Shaqeeya Arrimaha Beeraha kuwaas oo la Barayey sida ay uga faa’iidaysan karaan Xirfaddooda wax Beerashada ah.

Agaasimaha Guud ee Wasaradda Beeraha Mudane Maxamed Maxamuud oo la hadlay Beeraleyda Tababarka ay u fureen ayaa sheegay in looga fadhiyo inay ka faa’iidaystaan fursadda ay heystaan, iyaga oo Adeegsanaya xirfadahooda wax beerista ah, isagoo ugu baaqay inay kordhiyaan wax soo saarka dalkooda.

Dhanka kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha ayaa sheegay in Wasaaradda ay la shaqayn Doonto Dhammaan Beeralayda Soomaaliyeed si looga faa’iidaysto Qayraadka uu alle ku maneystay Dalkeenna.

Dowladda Federaalka oo Deeq Daawo ah gaarsiisay Maamulka Koofur-Galbeed

Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa 21kii September 2015 deeq daawo ah ku wareejisay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur-Galbeed Soomaaliya, taas oo qeyb ka ah qorshaha kor u qaadista adeega caafimaad ee shacabka deegaannada maamulkaasi ku dhaqan.

Deeqda daawo ah oo gaaraysa ilaa iyo saddex gaari oo nuuca xamuulka qaada ah ayaa loogu talagalay in wax loogu qabto bulshada ku dhaqan deegaannada Maamulka Koonfur Galbeed oo ay ka jirto xaalado caafimaad darro ah.

Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee maamulka Koonfur -Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdinaasir Cabdi Caruush oo deeqda dawada ah lagu wareejiyay ayaa Wasaaradda Caafimaadka uga mahadceliyay sida ay kaalmadan daawada ah u soo gaarsiiyeen, isagoo balan qaaday in dawadan ay gaarsiin doonaan meelaha ugu haboon.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cismaan Maxamed Cabdi “Cismaan Daalo” ayaa xusay in daawadan ay Wasaaraddu ku wareejisay Maamulka Koonfurgalbeed ay tahay mid ugu talagaleen in wax loogu qabto bulshada deegaannada maamulkaasi ku dhaqan, waxaana uu intaa ku daray in deeqdan ay Wasaaradda ka heshay boqortooyada Sacuudiga.

Olole Nadaafadeed oo Muqdisho si xowli ah uga socda

Degmooyinka Wadajir, Waaberi, Shibis iyo degmooyin kale ayaa usbuucan si xoog leh u bilaabay olole nadaafadeed oo ujeedadiisu tahay sidii bilicda caasimada Muqdisho loo hagaajin lahaa.

Guddoomiyaha Degmada Wadajir ee gobalka Banaadir Axmed Cabdulle Afrax oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Degmada ayaa 22kii September kormeer howleed ku tegay olole Nadaafadeed oo bulshada degmada ay ka sameeysay wadooyinka Jaala Siyaad ee hormarta suuqa Madiina iyo wadada isku xirta ex-koontarool Afgooye iyo Banaadir.

Guddoomiyaha Degmada Wadajir Axmed Cabdulle Afrax ayaa ugu baaqay ganacsatada degmada inay mas’uuliyad iska saaraan nadiifinta waddooyinka hortooda ah, maadaama ay iyagu ku ganacsanayaan.

Guddoomiyaha gobalka banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” ayaa dhowaan ku dhawaaqay in tartan adag la galin doono degmooyinka gobalka banaadir, tartankaasi oo la xariira Nadaafada iyo bilic soo celinta caasimadda, iyadoo Degmadii ku guuleysata la gudoonsiindo abaal marin.

Maamulka degmada Shibis ayaa sidoo kale 23kii September olole nadaafadeed oo dib loogu soo celinaayo bilicda degmada ka bilaabay xaafadaha kala duwan ee degmadaasi, iyadoo guddomiyaha Shibis uu soo kormeeray goobaha ay ka socotay nadaafadda.

Maamulka degmada oo kaashanaya shacabka ayaa waxyaaha kala duwan waxa ay ka wadeen olole nadaafadeed oo loogu talagalay in sare loogu qaado bilicda, taas oo logu soo dhaweynayo maalmaha ciida.

Shaqaale la barayo howlaha Gurmadka –Dabdemiska ah

Ku-simaaha Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Guddoomiye ku-xigeenka Siyaasadda iyo mas’uuliiyin kale ayaa ka qeyb galay 23kii September 2015 munaasabad kooban oo tababar loogu soo xirayay shaqaale la barayo gurmadka deg deg ah ee dabdamiska.

Shaqaalahan tababarka loo soo xirayay oo tiradoodu gaareyso 22 ayaa waxaa la baray sida ay uga qeyb qaadan lahaayeen gurmadka deg dega.

Agaasimaha Waaxda Dabdamiska Dowladda Hoose ee Xamar Cabdulaahi Saney oo munaasabada ka hadlay ayaa tilmaamay in mudadii uu tababarka socday dhalinyarada la baray habka ay ugu gurman lahaayeen marka uu meel dab ka-kaco iyo sida ay u maareeyn lahaayeen arrintaasi.

Ku-simaha Guddoomiyaha gobalka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye oo soo xiray tababarka ayaa ku bogaadiyay howl wadeenada Dabdamiska Dowlada Hoose ee Xamar ee u qaabilsan maareynta musiibooyinka deg degga ah in wixii loo tababaray ay ugu adeegaan bulshadooda, ay u istaagaan sidii ay u gudan lahaayeen howlaha loo idmaday.

Maamulka gobolka ayaa ku guuleystay in caasimadda uu ka hirgeliyo shaqaalaha gurmadka deg deg ah ee qaabilsan maareeynta musiibooyinka dabiiciga ah.

Tartan Cayaarta Kobdhoodka oo Muqdisho lagu qabtay

Ciyaarta loo yaqaano Kobdhoodka (Fallaar tuur) oo ah ciyaar dhaqameed la ciyaaro xiliyada nabadda ayaa galab kasta lagu qabtaa magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka qeyb galaan dad kala duwan oo aqoon u leh cayaartan.

Ciyaarta ayaa waxaay dhex martaa koox odayaala oo ku tartama gamuunka oo lagu shiishayo goob mucayin ah oo bartilmaameed u ah dadka ku loolamaya. Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir oo qeyb ka ahaa dadkii ka qeyb galay kobdhoodka ayaa sheegay inay wanaagsan tahay barashada sida loo ciyaarto ciyaartan, taasi oo qofkasta ka caawinaysa xirfadiisa inuu wax beegsado. Dadweyne farabadan ayaa u soo daawasho taga ciyaartaasi oo lagu qabto xarunta degmada Boondheere waxeyna ciyaartani muujineysa nabadgelyada ka jirta Muqdisho.

234567891011112

 

Previous Post

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Mareykanka Kaga Qeyb Galaya Shirka Golaha Amaanka QM

Next Post

Somalia: President Hassan of Somalia jets off to USA

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

R/Wasaare Xamsa oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika
Warar

R/Wasaare Xamsa oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika

May 13, 2025
Puntland iyo Q.M oo ka wadahadlay Arrimaha Bini’aadinimada iyo Xasilinta.
Warar

Puntland iyo Q.M oo ka wadahadlay Arrimaha Bini’aadinimada iyo Xasilinta.

May 13, 2025
Soomaaliya iyo Azerbaijan oo kala saxiixday heshiis maalgashi beeraha ah
Warar

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo kala saxiixday heshiis maalgashi beeraha ah

May 13, 2025
Maamulka Gobolka Banaadir oo Dadaal Adag Ku Bixiyay Soo Celinta Bilicda Muqdisho
Warar

Maamulka Gobolka Banaadir oo Dadaal Adag Ku Bixiyay Soo Celinta Bilicda Muqdisho

May 13, 2025
Xisbiga Cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxda Maamul Goboleedyada oo Lagu Wado in Lagu Dhawaaqo Muqdisho
Warar

Xisbiga Cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxda Maamul Goboleedyada oo Lagu Wado in Lagu Dhawaaqo Muqdisho

May 13, 2025
Puntland oo Beesha Caalamka Ka Dalbatay Ka Qaybgal Barnaamijyada Xasilinta Soomaaliya
Warar

Puntland oo Beesha Caalamka Ka Dalbatay Ka Qaybgal Barnaamijyada Xasilinta Soomaaliya

May 13, 2025
Next Post

Somalia: President Hassan of Somalia jets off to USA

R/Wasaare Xamsa oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika

R/Wasaare Xamsa oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika

by Ilhaan
May 13, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ku-simaha Wakiilka Gaarka ah ee Midowga...

Puntland iyo Q.M oo ka wadahadlay Arrimaha Bini’aadinimada iyo Xasilinta.

Puntland iyo Q.M oo ka wadahadlay Arrimaha Bini’aadinimada iyo Xasilinta.

by Ilhaan
May 13, 2025
0

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Puntland, Mudane Ilyaas Cusmaan Lugatoor, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay...

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo kala saxiixday heshiis maalgashi beeraha ah

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo kala saxiixday heshiis maalgashi beeraha ah

by Ilhaan
May 13, 2025
0

 Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa magaalada Baku ku saxiixay...

Capital on the Mend: Mogadishu’s Post-Flood Restoration Efforts Gain Momentum

Capital on the Mend: Mogadishu’s Post-Flood Restoration Efforts Gain Momentum

by Liban
May 13, 2025
0

MOGADISHU, SOMALIA — The Banadir Regional Administration and Mogadishu Municipality have launched a vigorous campaign aimed at restoring the beauty...

R/Wasaare Xamsa oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika
Warar

R/Wasaare Xamsa oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika

May 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Puntland iyo Q.M oo ka wadahadlay Arrimaha Bini’aadinimada iyo Xasilinta.
Warar

Puntland iyo Q.M oo ka wadahadlay Arrimaha Bini’aadinimada iyo Xasilinta.

May 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Soomaaliya iyo Azerbaijan oo kala saxiixday heshiis maalgashi beeraha ah
Warar

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo kala saxiixday heshiis maalgashi beeraha ah

May 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Capital on the Mend: Mogadishu’s Post-Flood Restoration Efforts Gain Momentum
English News

Capital on the Mend: Mogadishu's Post-Flood Restoration Efforts Gain Momentum

May 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Maamulka Gobolka Banaadir oo Dadaal Adag Ku Bixiyay Soo Celinta Bilicda Muqdisho
Warar

Maamulka Gobolka Banaadir oo Dadaal Adag Ku Bixiyay Soo Celinta Bilicda Muqdisho

May 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
U.S. Confirms Airstrike on ISIS Fighters in Somalia’s Cal Miskaad Mountains
English News

U.S. Confirms Airstrike on ISIS Fighters in Somalia’s Cal Miskaad Mountains

May 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • R/Wasaare Xamsa oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika
  • Puntland iyo Q.M oo ka wadahadlay Arrimaha Bini’aadinimada iyo Xasilinta.
  • Soomaaliya iyo Azerbaijan oo kala saxiixday heshiis maalgashi beeraha ah
  • Capital on the Mend: Mogadishu’s Post-Flood Restoration Efforts Gain Momentum

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00