Waxaa Magaalada Caabuud-waaq ee Gobaka Gal-guduud Maanta gaaray Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye iyo wafdiga nabadeed uu hoggaaminayo oo ay wehliyaan Odayaasha Galinsoor iyo Cadaado, waxaana halkaas ku soo dhaweeyay waxgaradka Caabuud-waaq oo uga hor tegay duleedka Magaalada .
Soo dhawaaynta wafdiga kadib, Odayaasha ka kala socda Caaabuud-waaq, Galinsoor, Cadaado iyo wafdiga nabadeedka Wasiir Sabriye ayaa tegay duleedka Caabuud-waaq, halkaas oo la dhigay Gogosha nabadda ee lagu dhammaynayo colaaddii Kaxandhaale.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, Soomaaliya oo furay kulanka ayaa Odayaasha dhaqanka ka codsaday in ay la yimaaddaan aragti fog, tanasul iyo xushmad dheeraad ah si loo dhayo boogihii colaadda dibna looga heshiiyo wixii dhacay,iyo loo diyaar garoobo in laga fogaado dagaallada soo noqnoqda ee Dadka iyo degaanka dhibaatada badan ku haya.
Odayaasha dhinacyada dirirtu ka dhexeysay oo soo dhaweeyay Gogosha nabadda ayaa raja ka muujiyay in dedaallada nabadda ee ay hormuudka ka tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mira dhali doonto, lagana gudbi doono colaadaha soo laalaabta .
Wasiika arrimaha gudaha Soomaaliya oo Shalay ka hadlay marti qaad ay u sameeyeen Odayaasha dhaqanka Cadaado ayaa ballan qaaday in wafdiga uu hoggaaminayo ay baaqi kusii ahaanayaan degannada Gal-mudug inta laga dhammaynayo colaadda halkaa ka aloosan.
Wafdiga uu hoggaaminayo wasiirka arimaha gudaha, Cabdi Maxamed Sabriye ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliya Wasiiru Dowlaha hawlaha guud iyo Guryeynta, Ahmed Abdi Kaariye (Qoor-Qoor), wasiir ku-xigeenka wasaaradda xannaanada Xoolaha, xildhibaan, Abdikarin Khaliif iyo taliyihii hore ee Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod).
Waxaana lagu wadaa in mas’uuliyiintani ay kulamo hoose la yeekan doonaan dhaqanka Labada dhinac una kuur geli doonaan xaaladda guud ee degaannada lagu dagaallamay iyo waxa soo cel-celiya colaadda, iyagoo yididiilo ka muujiyay inay xal wanaagsan ka gaaraan howlaha nabadeynta ah ee ay halkaasi u tageen.