Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa Maanta ka hadlay dilkii dhawaan loo geystay Almaas Elman.
Wasiir Islow oo Maanta hortegay Xildhibaanada Golaha Shacabka si loo weydiiyo su’aallo ayaa sheegay in laamaha amniga dowladda ay baaritaano ku wadaan sida uu u dhacay dilkii Almaas, kaasi oo ka dhacay gudaha Xarunta Xalane ee Muqdisho.
Sidoo kale Wasiirka amniga ayaa tilmaamay in markii dhamaato baarista Natiijada kasoo baxda ay la wadaagi doonaan Ehelada Marxuumada iyo Bulshada, isla markaana weli ay socdaan baaritaano kala duwan oo lagu wado Kiiskaas.
Si kastaba Allaha u naxariistee Marxuumad Almaas Elman ayaa lagu toogtay Xarunta Ciidanka AMISOM ee Xalane ee ku dhex taalla gudaha Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyagoona Almaas u geeriyootay rasaas madaxa uga dhacday.