Wasiirada A/Dibadda dalalka ku bahoobay Shirka Africa,Carabta & Baasifigga oo kulmay

Wasiirrada Arrimaha Dibadda dalalka ku bahoobay shirka Africa,Carabta iyo Baasifigga ayaa manta kulan ku yeeshay magaalad  Nairobi ee dalka Kenya, kaas oo horu-dhac u ah shir madaxdeedka madashaa oo berri ka furmi doona Nairobi.

Shirka ayaa doortay xoghaye guud, iyadoona madaxweynaha Kenya uu hugaamin doono shanta sanno ee soo Socda.

Wasiirka arrimaha dibada xukuumadda Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in shirka maanta uu horu-dhac u ahaa kulanka madaxda sarre ee dalalkaan oo Berri halkaasi shir uga furmi doono.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media