Tobannaan kun oo qof ayaa isugu soo baxay waddooyiinka Hong Kong ,waana dibadbaxii ugu ballaarnaa ee halakasi ka dhaca muddo bilooyiin ah.
Qabanqaabiyayaasha ayaa waxay sheegeen in dad lagu qiyaasay 800,000 ay ak qeyb qaateen dibadbaxa maanta ,balse booliiska ayaa tirada ku sheegay 183,000.
Booliiska ayaa waxa ay xabsiga dhigeen 11 qof howlgal ay sameeyeen ka hor dibadbax maanta.
Dibadbaxyada Hong Kong ayaa bilaabmay bishii June ka dib markii la soo saaray hindisa sharciyeed ogolaanaya in dowlada Shiinaha loo gacan galiyo dadka dambiyada looga shakiyo.
Balse dibadbaxyadan ayaa markii dambe isu badalay kuwa ballaaran oo dowladda looga soo horjeedo.
Bayaan ay dowlada soo saartay Sabtidii ayaa loogu baaqay dadka in ay is dajiyaan islamarkana dowladda ay dhageysan doonto dalabkooda ayna aqbali doonto cambaareyntooda.
Dibadbaxyada oo halkaasi ka socday 6-dii bilood ee ugu dambeeyay ayaa waxay imika saamayn ku yeesheen dhaqaalaha jasiiradda Hong Kong.