Wasiirka Amniga Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi iyo Saraakiil uu hoggaaminayey oo ay kamid ahaayeen taliyaha Qeybta 21aad ee ciidanka XDS S/Guuto Khooje, taliyaha ciidamada Booliska Galmudug S/guuto Bishaar, taliyaha ciidamada Danab ee ku sugan Galmudug G/le Mukhtaar iyo saraakiil ka kala tirsan qeybaha ciidamada qalabka sida ayaa maantay booqasho ku tagay jiidda hore gaar ahaan aagga Tara-Guduud, Beer Cabdi Faarax, Galo, Faragoo, Beer Liiban Galle, Hog dugaag iyo Higlaale, waxaana lagu soo afjaray booqashadaas magaalada Gadoon oo bulshada lagula kulmay.
Deegaanadaas ayaa waxaa waayadan ka socday abaabul ay wadaan bulshada ku nool halkaas kaasoo looga soo horjeedo dagaalamayaal Al-shabaab ah oo dhibaatooyin ku haya dadka deegaanadaas deggan waa sida ay hadalka u dhigeene.
Wasiirka iyo taliyaasha ayaa jiidda hore kula hadlay dhallinyaro hubaysan oo ka dhiidhiyey dhibaatooyinka Al-shabaab ay ku hayaan deeganadooda, diyaarna u ah In ay qeyb ka noqdaan dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.
Ciidanka macawislayda ah ayaa ballanqaaday In ay Al-shabaab ka saari doonaan deegaanada ay ku sugan yihiin, waxaana wasiirka iyo saraakiisha ay bogaadiyeen dadaalka iyo nafhurnimada dhallinyarada macawislayda ah ay wadaan, waxayna dhankooda ballanqaadeen In ay taageero buuxda siin doonaan naftood hurayaasha geesiyada ah, isla markaana ay ciidamada qalabka sida sii wadayaan dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab.