Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa guddoomiyey Shirka Guddiga Nabadgelyada, oo looga hadlay guud ahaan amniga iyo dardargelinta qorsheyaasha lagu horumarinayo.
Shirka oo ku qabsoomay beerta nasashada ee Qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe, waxaa ka qeybgalay Saraakiisha laamaha amniga , Maamulka Gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe.
Inta uu shirku socday ayaa waxaa saraakiisha ammaanka iyo Madaxweyne Deni ay ka wada hadleen habka ugu wanaagsan ee ammaanka lagu sugu karo.
Degaanada Maamul Goboleedka Puntland ayaa waxaa dhawanahan ka dhacayay falal aminiga lid ku ah, waxaana magaalooyinka waaweyn ee uu ka arrimiyo maamulka Puntland tiro dhawr jeer ah ka dhacay qaraxyo iyo weeraro toos ah oo ka dhacay magaalooyin ay ka mid yihiin Boosaaso, Gaalkacyo, garoowe iyo Magaaloyin kale.