C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow), Wasiirka Warfaafinta Somaliya, ayaa waxa uu ka hadlay qorshaha lagu yareynayo tirada Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee dalka ka hawlgala.
Wasiirka, ayaa sheegay guulo laga gaaray dagaalka lagula jiro Ururka Al Shabaab inay soo dedejisay in Amisom ay bilowdo ka bixisteeda dalka.
Wasiir Yariisow oo la hadlay BBC, ayaaa yiri “Waxaa la jooggaa xilligii ka Soomaali ahaan aan qaadan lahayn masuuliyada ammaankayna.”
Wasiirka, ayaa intaa ku daray in maleeshiyada Al Shabaab lagu jebiyay dagaalka tooska ah, iyagoo bilaabay buu yiri weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah.
Wasiirka, ayaa tilmaamay in Dowladda Somaliya ay diyaarisay ciidan hanan kara ammniga dalka, kuwaa oo sida uu sheegay qaba tababar wanaaagsan.
“Somaliya waxay isku duba-riday hannaan dhanka ammaanka ah, waxaan aaminsanahay xilligan inay laamahayaga amniga tababar wanaagsan qaateen, shaqadooduna ay aad u garanayaan.” Ayuu yiri Wasiirka.