Wasiir Islow oo shaaciyay in la qaadayo dhagxaanta ku xiran Wadooyinka Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa ka hadlay xirnaashaha Waddooyinka ku yaalla Magaalada Muqdisho oo haatan dhibaatooyin lagu qabo.

Wasiir Islow oo wareysi siiyay Telefashinka Universal ayaa waxaa uu sheegay in dhawaan la qaadi doono dhagxaanta ku xiray qaar kamid ah Wadooyinka Muqdisho si uu u yaraado cariiriga ka jiray Wadooyinka Caasimadda.

Waxaa uu sheegay Wasiirka amniga in dowladda ay qorsheyneyso in dhagxaanta ay ka qaado wadada wadnaha, isla markaana la geyn doono baraha Koontaroolada laga soo galo Magaalada iyo Goobo kale.

Isaga oo sii hadlaayay Wasiirka amniga Xukuumadda ayaa waxaa uu tilmaamay in xirnaashaha Wadooyinka ay dhibaato badan ku qabaan shacabka, isla markaana waddooyinka ay ka jiraan Cariiri badan, hayeeshee dhanka amniga laga dareemay isbedel.

Ugu dambeyntii Wasiirka Wasaaradda amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inay yaraadeen Qaraxyadii loo isticaali jiray gaadiidka ee ka dhici jiray Gudaha Muqdisho, taasi ay qeyb weyn ka tahay dhagxaanta lagu xirauy Waddooyinka.

Si kastaba shacabka kunool Magaalad Muqdisho iyo gaadiidleyda ayaa dhibaatooyin badan ku qaba xirnaashha Wadooyinka, waxaana dhibaatada ugu badan ay jirtaa wadada wadnaha iyo kuwo oo muhiim ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media