Dab Xooggan oo ka kacay Keyn ku taalla duleedka Magaalada Laas-caanood

Wararka Idacada dalsan ee magaalada Muqdisho ay ka helayso Magaalada Laas-caanood ee gobolka Sool ayaa sheegay in Dab xoog leh uu ka kacay dooxada Ooda-gooye ee duleedka magaaladaasi.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Dabkan oo aad u xooggan  ku sii fidayao deegaano horleh sido kalana ay socoto dadaalo kala duwan oo lagu doonayo in lagu damiyo Dabkaas.

Dhinaca kalana dadka ku nool duleedka magaalada Laas-caanood ee xarunta gobolka Sool ayaa warbaahinta u sheegay in uu bilowday barakac si uusan u saamayn dabkaas ka kacay Dooxada magaalada.

Ilaa iyo haatan lama oga waxa sababay in uu kaco Dabkaan hase’ahaatee waxaa socda dadaalo kala duwan oo lagu daminayo dabka ka kacay Dooxda Magaalada Laas-caanood ee xarunta gobolka Sool.

Goobta Debku uu ka kacay ee ah Dooxada Ooda-gooye ayaa ah meel ku haboon daaqsinta waana dhul Keyn ah oo dadka reer guuraaga ah ay degaan si Xoolahoodu ay daaqsin uga helaan.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media