Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka, iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al Cadaaala oo safar shaqo ku jooga dalka Mareykanka ayaa maanta booqasho ku tagay Safaaradda Soomaaliya ee Magaalada Washington.Wasiirka waxaa soo dhaweeyey Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Mareykanka, Ambassador Dahir Hassan Arab iyo hawl-wadeennada Safaaradda.
Danjire Dahir Hassan Arab ayaa Wasiirka si qoto dheer u gala hadlay howlaha Safaaradda iyo shaqooyinka ay qabato maalin kasta.